KA WAR-HAYNTA DADKAAGU WAA ASTAAN HOGAAMINEED ( KUU OGIN ADNA GUDOOMIYE MUUSE BIIXI)

0
23

Ka warhaynta iyo daryeelada dadka bulshada kaalinta laxaadka leh ugu jira waxay astaan iyo calaamad u tahay naxariista iyo lexojeclada laga rabo qofka raba hogaan ummadeed, dhiirigalinta iyo bogaadintuna waxay shiidaal iyo sahay fiican u tahay qofka haldoorka ah ee bulshadiisa u adeegaaya, Gudoomihaya Xisbiga Kulmiye ahna musharaxa jagada madaxtinimo ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi waa musharaxa kaliya ee ka daba tagay isla markaana u hawl galay abaal marinta iyo dalacsiinta askarigii ficilka geesinimo muuyey Laba xadhigle Maxamed Cali Barre.

Maxamed Cali waa askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley, waxase uu hadda ka mid yahay ciidan ilaaliya ammaanka iyo habsami-u-socodka shaqo ee dhismaha jidka isku xidha Kala-baydh iyo Dila oo waqtigan maraya meel duleedka magaalada Dila ah, kaas oo malaha waxtarka laga filayey aannu dhaafsiisnayn sugidda amniga iyo kolba wixii taliskiisu u igmado.
Haseyeeshee, Maxamed Cali Barre waxa uu mar qudha muujiyey inuu ka mid yahay halyeyo badan oo naftooda u huraya shacabkooda, kadib markii uu badbaadinta noloshiisa ka door-biday dad rayid ah oo si kedis ah uu goob keliya ugu haleelay mid ka mid ah aafooyinka adduunka ee wax hallaaga oo ah biyo aan cidina qiyaasi karin xooggooda iyo xawaarahooda toona oo ku socda amar Alle, isagoo ku guulaystay in badanka dadkii la joogay ka samo-tabaxaan inay ku halligmaan halkaasi.

Subixii waxa magaalada Hargeisa ka anbabaxay wafti culus oo uu hogaaminaayo Gudoomiye Muuse Biixi si ay uga qayb galaan aas wadareedkii loo sameeyey dadkii ku nafwaayey daadadki ku soo fatahay Degmada Dila habeenkii ay khamiistu soo galaysay, goobta aasku ka dhacaayey waxa ku sugnaa Geesigaa naftiisa u huray samata bixinta dadkiisa iyo badbaadinta dadwaynaha reer Dila, sida aynu warka ku haynay 7 ruux ayuu badbaadiyey halka isaga laftiisa daadku qaaday, bal u fiirsada geesinimada intaa leeg iyo naf hurida geesigaa aan gaboodka aqoon.

Gudoomiye Muuse wuxu iska xil saaray oo masuuliyiin Kulmiye ka tirsan u diray war-bixinta laba xadhiglahaa si uu uga hawl galo dalacsiintiisa iyo abaal marinta uu mutaystay iyo waliba in uu ogaado in qaranku u ogyahay dedaalkaa uu sameeyey iyo ficilkaa ku dayashada mudan ee uu horseedka ka noqday.
Waxaan runtii la dhacay oo u qushuucay sida naxariista leh uu uu Muuse Biixi u gartay xaqa u askarigaasi ku leeyahay qarankiisa iyo waajibaadka inaga saaran qof kasta oo dedaal noocaas oo kale ah la yimaada u abaal gudkiisa, waxaan leeyahay gudoomiyaha laftiisa ayaa abaal gud inugu leh maadaama uu xogogaal u yahay baahiyaadka maalin laha ah ee dalka ka taagan dadkiisana dhiiri galinaayo.. Hanbalyo gudoomiye…

Fikirkaagu Waa Xor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here