Maxaa Ka Jira Warar Sheegaya Inuu Madaxwayne Geele Uu La Kulmay Cali Khaliif Galaydh

0
22

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Galayr.

 

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr oo ay weheliyeen mas’uuliyiin reer Khaatumo ah ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabiley madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kawada hadlay xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo dhexmarta labada dhinac.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumada Soomaaliya Dr. Cali Axmed Jaamac (Jengeli). Labada madaxweyne ayaa ugu danbayntii yeeshay kulan ay albaabadu u xirnaayeen, lamana oga arimaha gaarka ah ee la isla gaarey.

 

Xiriirka labada madaxweyne ayaa la sheegaa in aanu horey u wanaagsanayn balse kulanka maanta ayaa la saadaalinayaa in uu wax weyn ka bedeli doono.

 

Maamulka Khaatumo ayaa horey waxaa horey u aqoonsadey dowladii KMG ahayd inkastoo ay arintaasi si weyn uga soo horjeesteen maamulada Somaliland iyo Puntland. Adam Jama Ahmed Muqdisho Soomaaliya

 

 

Galaydh1 galaydh2 galaydh3 galaydh4galaydh5 galaydh6 galaydh7 galaydh8

 

Xigasho Warmaal News

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here