cali waran cadoow hanjabadaadu ma raynkii libaaxaa

0
19

Wasiirka arimaha guddaha jamhuuriyada Somaliland ayaa ku fashilmay hawshii uu madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland u igmaday ee ahayd arimaha guddaha.

Hadaynu dulucda hadalka u gudubno waxay jamhuuriyada Somaliland xukuumadeeda go’aan kasoo saartay dadka aan udhalan jamhuuriyada Somaliland in laga mastaafurin doono loona qabtay waqti cayiman,  iyadoo loo kala qaaday kuwa dalkoodu uu nabad yahay in iyaga haday waqtigaa loo qabtay ka bixi wayaan la mastaafuriyo, kuwa dalkooda aysan nabadi ka jirin cardka qaxootiga la siiyo loona sameeyo kaamka lagu hayo.

Waxay kaloo xukuumada ay soo saartay go’aan ah cuqaasha, saladiinta, boqorada iyo mas uulkasto oo ku kaca wax ka baxsan shuruucda dalka u taala oo ay kamid tahay, kicin dadwayne iyo iska horkeen beelo walaala ah in talaabo laga qaadi doono,

Wasiirka arimaha guddaha oo ah mas’uulka u qaabilsan inuu ka hortago wax allaale waxii amniga khal khal ku keenaya, dhaqana galiyo go’aamada ay xukuumada soo saarto ee ku saabsa arimaha gudaha  ayaanan ilaa hada wax talaaba cad ka qaadin arimaha nocaas ah.

Waxay bulshada is waydinaysaa dadka aan u dhalan jamhuuriyada Somaliland ee kusoo qul qulaya  miyaysan ogayn wasaarada arimaha guddaha kuwan kale ee hore ugu sugnaa dalka ee suuqyada iyo wadooyinka marayo iyagoo raaba raaba ahna maxay waxay ugu qaban wayday wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland.

Waxay kaloo bulshada is waydinaysaa wasaaradan aanan xakamayn karayn oday dhaqameedyadan ku magacaaban xilalka dhaqanka ee hormuudka u ah isku dhaca beelaha walaalaha ah miyaysan wax ka qaban karayn wasaarada arimaha guddaha.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaynu aragnaa in wasiirka arimaha guddaha uu ku fashilmay dhamaan hawlihii uu u qaabilsaaa xukuumadan iyo shacabka xaga amniga isagoo fullintii looga baahnaa ay noqotay raynkii libaaxa.

Waxanan usoo jeedinayaa wasirka arimaha guddaha dhaliil kadib inuu ku dhiirada ka hortaga dhibaatooyinka inagu soo foodka leh ee ay hurinayaan dad kooban oo aan bulshadan u danaynayn, go’aamada ay xukuumada gaadhana aad siday ahayd u fuliso

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here