Wasiir Sacad Oo Maalintii Shalay Khadbad Dheer Ka Hor jeediyey Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida

0
23

Berbera (Saxilnews.com)-Wasiir Sacad Oo Maalintii Shalay Khadbad Dheer Ka Hor jeediyey Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahin ka bixiyey danta Somaliland ugu jirta wada-hadallada aan wali dhammaan ee ay kula jirto dhiggeeda Somalia, waxana uu sheegay inaan wali la gaadhin faa’iidadii shirkaas laga lahaa.sacad cali shire Wasiir Sacad oo maalintii shalay khadbad dheer ka hor jeediyey guddida joogtada ah ee golaha guurtida, ayaa sheegay in dadka qaarkii ku taliyaan in la iskaga baxo wada-hadalladaas, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanu shirkaasi wali midho dhalin, “wada-hadallada Turkiga waxbaa inooga kordhay, waxana aynu madasha ku nahay laba siman, laakiin nasiib-darro wax midho ah oo waaweyn oo ka dhashay oo aynu ku xisaabtami karaan wali ma jiraan. Dadka qaarna waxa ay yidhaahdaan waaba laga yaabaa inuu wada-hadalkani ina lu’goynayo oo dadkii  ina ictiraari lahaa odhanayaan marka hore soo wada hadla.”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Turkigu sheegeen in safiir gaar ah loo igman doono socodsiinta wada-hadalladaas oo haatan hakad ku jirta, waxana uu yidhi,“wali innaga iyo Somalia cidi inama dhexgelin, Turkiguna way qireen inaanu wada hadalku midho dhalin, waxana ay yidhaahdeen safiir gaar ah baanu wada-hadalkiina u magacaabaynaa. Waxyaabihii shirarkaas lagaga heshiiyey lama hirgelin, wax badan oo laga filayeyna kama ay soo bixin” Waxa uu wasiir Sacad shaaca ka qaaday inay xukuumadda ka go’an tahay in xuska sanad-guurada 25-aad ee 18-ka bisha May ee soo socota dalka lagu soo casuumo Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin caalami ah, si indhahooda loo tuso horumarta dalka ka jira,“waxan jecelahay in 18-ka bisha may ee soo socota inaynu marti-qaadno dad badan oo ajanabi ah si ay arrineena u arkaan halkii aynu markii hore dad qurbejoog ah ka marti qaadi jirney, waana inaynu bartilmaameed aynu ka dhiganno waddama Africa.”Ayuu yidhi wasiir Sacad.

SAXILNEWS/DESK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here