Berbera (Saxilnews.com)-Waftigii ugu cuslaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiiro horkacayaan ayaa shalay waji gabaxii ugu cuslaa kala soo kulmay Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley kadib markii ay halkaasi u tageen Xafiiskii Xisbiga Kulmiye ku jiri jiray oo Xisbiga WADDANI kala wareegay,taasi oo ay aad uga xumaadeen islamarkaana ay waayeen meel ay dadka kala hadlaan,waxa kale oo dadkaasi halkaasi ku sugani noo sheegeen inay halkaasi ku qaybiyeen woxogaa daasado caanaha budada ah oo ay dhawr dumar ah u qaybiyeen iyaga oo niyad jabsan islamarkaana uu wasiirkii hogaaminayay Qajilaad ka soo degi kari waayay Gaadhigii uu saarnaa.
Sida ay Wargeyska Foore ay u xaqiijiyeen dad ku sugan Degmada Allaybaday oo la soo xidhiidhay Xalay,waxa aroortii hore ee Shalay Magaalada Allaybaday gaadhay Wafti Culus oo wasiiro ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr Maxamed Awdaahir, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Wacyigalinta Iyo Dhaqanbka Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),kuwaasi oo sida la sheegay halkaasi u tagay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen soo celinta Xafiiskii Xisbiga Kulmiye oo mudo sanad ahba u kiraysnaa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxaana la sheegay inay arintaasi waji gabax ku noqotay Wasiiradda kadib markii ay halkaasi u tageen Xafiiskii oo ay hor tuban yihiin taageerayaal badan oo xamaasadaysan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo calankii xisbigaasi oo ka dul bananaya,taasi oo ku adkaatay inay xoog ku furtaan.
Haddaba markii ay Wasiiraddaasi oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeruhu,qasdigooduna ahaa inay Taageerayaasha Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ugu soo khudbadeeyeen Xarunta Xisbiga Kulmiye ay ku hungoobeen waxa ay markii dambe qaarkood bilaabeen inay daasado caano budo ahi ku jiraan u qaybiyaan dhawr qof oo ku soo ururay gaadiidka Waftiga,taasi oo iyaduna Buuq kale ku abuurtay Waftiga kadib markii dadkaasi qaar ka mid ahi ku tuur tuureen erayo ka xanaajiyay Wasiiradda,oo u badnaa saluug ku saabsan Daasadaha Caanaha ah oo ay dad weynuhu ku huriyeen inaanay ahayn wakhtigii Daasado caano ah loo keenay dad abaaro ku habsadeen ee ay Xukuumadda ka filayeen gargaar intaasi ka badan. Warar kale ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Beeruhu cadho awgeed ka soo dhaadhici kari waayay Gaadhigii uu saarnaa kadib markii ay ku horiyeen dad weyne badan oo taageersan Xisbiga WADDANI kuwaasi oo loo sii diyaariyay islamarkaana isku diyaariyay inay fawdo galiyaan hadiiba uu isku dayo inuu qasab ku furto Xafiiska Xisbiga WADDANI oo doraad oo uu tagay Allaybaday Nidar ku galay inuu dib u soo celinayo Xafiiskaasi oo ah Hanti dad weyne.
Waxa dhinaca kale, si weyn wax la iskaga waydiinayaan halka ay Xukuumaddu la martay Deeqihii iyo lacagihii loo ururiyay Dadka abaaruhu ku dhufteen,waxaana waftigaasi Shalay halkaasi tagay ay isticmaalayeen sadaqadii danyarta loogu talo galay,waxaa la socday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo ka mid ah Culimadii Madaxweynuhu ku daray Gudida Abaaraha,waxa shalay lawada dareemay in Xukuumaddu u leexisay Sadaqadii danyarta loo ururiyay inay ku ololayso oo ay magaalooyinka ku qaybiso.