MADAXWAYNE KALSOONIDII SHACABKII KU DOORTAY HA LUMIN OO ” UFIIRSO QORSHAYAASHA BULSHADA LAGAGA HORKEENAYO

0
22

Waxaa labdii todobaad ee u danbeeyay si weyn looga hadal hayey gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee deegaanka Somaliland in koox wasiirada xukumada JSL ka tirsani ay isku gaashaan buuraysanayaan sidii ay dekada berbera gacanta ugu geli lahaayeen qaar ka mid ah shirkaad shisheeye oo ku magacaaban inay maalgashi ku samayso dekada .

Hadal haynta arintan aya qaybaha kala duwan ee daneeya jecelna horumarka Dalkooda ayaa si weyn uga biyo diiday arinkani kuwaas oo badankoodu ku macneeyey in kooxdan wasiirada ah ee arintan ku hawlani yihiin gaar duulimaad ku ah dhismaha iyo horumarka Qaranimo ee hano-qaaday isla markaana ahmiyada iyo ujeedada ay arintani ka leeyihiin tahay ama ay ka doonayaan khidmada yar iyo dilaalista ay ka qaadanayaan shirkadaha shisheeye ee faaiido doonka ah

 Waxa kaloo ay bulshada kala duwani ku dhaliilaayaan arintan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo Iyadoo leh madaxweyne ku doorteen waa adiga cida ay bulshada kala xisabtami doontaana waa adiga sidaa darted inamo yaryar oon habeen u soo gaajoon dalkan markii curaadadu ku dhimanayeen qurbaha u Baxsaday arinkooduna .

Hooyo Norway nafta kula carar Madaxweyne isla beritana aad xilka ka qaadi karto haka halyn masiirka umadan iyo dhismaha qarankan

Sidoo kale damac qaawan ee kooxdan wasiirada ah ka muuqdaa waa mid aan sinaba ugu Mooyee Danta guud ee qaranka aan hal habeen u gaajoonin lagama yaabo inuu halgamayaashii dalkan xorreeyey iyo agoomahoodii oo u heegan ah in qaranka JSl Oo beesha Caalamka ictiraaf caalami ah ka hesho maahee aanay habeen ka seexan sida mujaahidka madaxweyne axmed siilaanyo ka Midka yahay noolyihiin in koox danaystayaal ah oo xilkii ay qaranka u hayeen dayacay inay hadana xilka qaranka sifo qaldan uga Faa;iidaystaan Uguna dumiyaan dhismaha danta guud si kastaba ha ahaatee waxaa dad badani is waydiinayaan madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo laba todobaad horteed xadhigii Ka jaray Dhismihii Ugu Balaadhnaa ee dekada berbera si iskaa wax u qabso ah uga hawlgalay inuu manta ogolaado ama dhageyso in rag xilkii aad umada ugu dhiibtay gabay ay dano dhaqaale Iyo danaysi Darteed Ay Halbawlihii dhaqaalaha dalka oo aynu ognahay inay tahay ta dekada berbera ta suurto galisay meelmarinta talaab kastaoo muddadii ay soomaliland jiray Jiray Dhinaca Horumarka Loo qaaday Suurto galisey Dhaqaalaha Tirada badan ee dekada berbera ka soo baxdayna tahay kuu suurto galisay Madaxweyne afartii sano ee xilkaaga inaad horumar dhinac kastaba ah suurto geliso sidoo kale madaxweyne waxaad ka marag kacday cadhih jarkii dekada berbera dhismihii lagu kordhiyey laba todobaad ka hor hadii la mideeyo maskaxdooda iyo muruqo ummadiina iska tiirsato in horumarka ay Jsl Hiigsanayso Dhakhso loo gaadhi karayo hawsahn dekada qabtayna tahay mid ku dayasho mudan

Si kastaba ha ahaate hadii ay xaladu noqoto in horumarka iyo dhismaha danta qaranimo ee ay bulshada JSl hiigsanyso ay ka arimiyaaan dadyow aan u damqanayn dalka iyo dalkiisaba horumarka jecel oo aanay cidii u dooran waxay noqonaysaa reer borrow yaa ku leh

Waxaanan lama huraan ku ah madaxweynaha mujaahid axmed diilaanyo inuu mar walba xasuusnaado kana feejignaado shirqoolda ay u maleegayaan kooxo danaysatyaasha ah ee golaha wasiirada ee habeen iyo maalinba danaha gaarka ah u heelani kuwaas oo sidii laga warqabo arinkoodu yahay ka faaiidayso xilka inta aad hayso tigidhka iyo baasaaboorkuna jeebka ugu jiro

Gabogabadii madaxweyne axmed siilaanyo waxaa la gudboon inaanu si hawl yar dekada berbera shirkada iyo kooxo toona gacanta ugu gelin waqtigan xaadirka ah ii Jsl Waxa Ictiraaf ah beesha caalamka ka haysan wax dhaqaale ah oo dib u dejin lagu samayo tobaneeyo kun oo qoys oo Jsl kazoo jeeda aanay jirin

Hadey hawshaasi Dhacdana ha ogaado Madaxweyne axmed siilaanyo inuu lumiyey kalsoonidii bulshada Jsl Ee codkooda ku doortay kuna aamintay masiirkooda waxaa kaloo lagag dhaxli karaa isku dulnoolansho kala fogeeyo bulshada walaalaha ah ee Jsl iyo dib u dhaca iy burburka ku yimaada geedi socodka bulshada hormarka jecel ee Jsl ku Dhaqan

 

Qoraa maxamed Ismaciil (MaxamedBiid )

Gabiley // SAxilnews.com

Mukhtar Nuux
berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here