Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ku Dhawaaqay Go,aamo Xisbigu Ka Gaadhay Arimaha Doorashoyinka Kana Hadlay Wada Hadalka Somaliland iyo Somaliya iyo Is Casilaadii Laga Weriyey.

0
22

Hargeysa(Saxil News.com):-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulan xisbigaasi kaga hadlayey mawqifkiisa la xidhiidha doorashooyinka dalka ku soo socda.

 Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulankaas ka jeediyey go,aamada uu xisbiga Waddani ka taagan yahay arimaha doorashooyinka, waxaanu  kulankaasi ka akhriyey qodobada uu xisbigaasi u arko in doorashada lagu gaadhi karo, isaga oo dhinaca kalana ka hadlay tabashada gobolada bariga iyo galbeedka somaliland iyo wada hadalka u dhexeeya somaliland iyo somaliya.

 Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlaya  go,aamada uu xisbiga Waddani ka taagan yahay doorashooyinka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabbay sidan “Xisbiga Waddani waa daneeye muhiim ah o oo u  taagan in la qabto

 

doorasho xor iyo xalaal ah oo xiligii dastuuriga ahaa ku dhacda, xisbiga Waddani waxa uu ku guubaabinayaa daneeyayaasha doorashada inaan marnaba laga leexin yoolkooda ah in doorashooyinku ku qabsoomaan xiligoodii dastuuriga ahaa,  waxa kale oo xisbiga Waddani ku guubaabinayaa daneeyayaasha doorashooyinka in  madaxweynaha iyo xukuumadiisa   lagala xisaabtamo wixii dib u dhac ah ee ku yimaada doorashooyinka, xisbiga Waddani waxa uu qabaa  in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka aanu ahayn farsamo balse uu ku yimid siyaasad ula kac ah iyo qorshe ay madaxweynaha iyo xukuumadiisu wataan, xisbiga Waddani waxa uu ugu baaqayaa shacabka somaliland inay is hortaagaan talaabo kasta oo lagu holinayo in lagu duudsiyo xaqooda dastuuriga ah ee ah in madaxtooyada iyo baarlamaanka ku badalaan sanduuqa cod bixinta oo aan lagu badalin mudo kordhin ay samaysay cid aan xaq u lahayn, xisbiga Waddani waxa uu ugu baaqayaa guddida doorashooyinka inay si deg deg ah u soo saaraan jadwalka  doorashooyinka oo ay dadweynuhu aad u sugayaan, xisbiga Waddani waxa uu kalsooni buuxda siiyey guddida doorashooyinka isaga oo eegaya doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin qabashada doorashada, xisbiga Waddani waxa uu si adag ugu baaqayaa in golaha guurtidu ka waantoobo mudo kordhin aan dastuuri ahayn oo lagu asturayo xukuumad, madaxweyne iyo gole xilalkoodii dastuuriga ahaa gabay oo qaban waayey doorasho xiligeedii taagan yahay, Xisbiga Waddani waxa uu ku bogaadinayaa isla markaana u mahad naqayaa bulshada caalamka taageerada wax ku oolka ah ee  daaran inay si joogto ah ula jaan qaadayaan diwaan gelinta cod bixiyayaasha iyo doorashooyinka somaliland, inay ku deeqeen qaybta ugu badan ee  dhaqaalaha ku baxaya diwaan gelinta iyo doorashada, taageerada joogtada ah iyo farsamo ee ay siinayaan guddida doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyada, xisbiga Waddani waxa uu ugu baaqayaa bulshada caalamka iyo shacabkaba in cid kasta oo carqaladeeya ama is hortaaga doorashooyinka loo aqoonsado fidmo wale iyada oo qodobkani si toos ah u saamaynayo xisbiyada qaranka, xukuumada, madaxtooyada iyo golayaasha xeer dejinta,  Haddii ay xukuumada iyo madaxtooyada somaliland si badheedh ah oo qaawan isku hortaagaan inay doorashooyinku ku dhacaan xiligoodii dastuuriga ah lana helin xal qaranku ku heshiiyey waxa uu xisbiga Waddani soo jeedinayaa in xukuumada iyo golaha wakiilada la kala diro lana dhiso xukuumad xilkeedu yahay inay doorasho xor  iyo xalaal ah gaadhsiiso dalka wakhtiga ugu gaaban ee suurta galka ah.” Ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

 Gudoomiye cirro ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka waxaanu yidhi ““Dib u dhaca doorashooyinku waxay abuuri karaan khilaaf, waxaanay keeni karaan khal khal siyaasadeed oo hor leh, waxay abuuri karaan xasilooni daro, waxay abuuri karaan nabad galyo xumo, waxay abuuri karaan niyad jabinta dadweynaha u diyaar garoobay isbadal nabadeed, waxay dhaawac ku keeni kartaa midnimada iyo wada jirka bulshada Somaliland iyada oo dhaawacyo hore soo gaadheen bulshada intii xukuumadani jirtay, waxay tuhun iyo mad madaw galin kartaa beesha caalamka sii wadida hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada  iyo nabad galyada somaliland.”

 Gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa kale oo uu madaxweynaha xusuusiyey inay xisbiyada mucaaridka ahi doorashada diyaar u yihiin, isaga oo tilmaamay inay go,aankii uu golayaasha qaranka hortooda ka sheegay ay marin habaabinayaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibaano waxaanu yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland khudbad sanadeedkiisii 2013-ka ee ku  beegnayd 30-kii January  waxa uu golayaasha hortooda ka cadeeyey inaan maalina loogu darayn doorashaduna wakhtigeedii dhici doonto, waxa uu mar labaad madaxweynaha jamhuuriyadu  27-kii January ee sanadkan ku celiyey in doorashada wakhtigeedii la qaban doono, waliba madaxweynuhu isaga oo la kaftamaya xisbiyada mucaaridka ah waxa uu yidhi xisbiyadu diyaar maaha waxaanu ku daray malaa way yara baqanayaan, waxaan u sheegayaa madaxweynaha aniga oo ku hanbalyeynaya go,aankiisaas  inaan aniguna diyaar u ahay xisbiga Waddanina diyaar u yahay, tiraabta madaxweynaha  ee ah inay doorashadu wakhtigeedii dhacayso ficil lamuu socon manaynaan arag qaban qaabada doorashada oo socota waxaanan leeyahay madaxweyne ficilkiina  ku dar, hadalkaas wanaagsan ee madaxweynaha waxa mararka qaarkood  mugdi galiya wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, xildhibaano ka kala tirsan golayaasha wakiilada iyo guurtida oo aad u taageera madaxweynaha kuwaas oo si badheedh ah u yidhaahda hadalo ka soo hor jeedaa  kuwa madaxweynaha oo ah in xukuumada loo kordhinayo.”

 Sidoo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa uu sheegay inuu xilka golaha wakiilada iska casilayo marka uu madaxeynuhu digreeto ku shaaciyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka waxaanu yidhi “Baryahan waxa lays waydiinayey gudoomiyuhu miyuu is casilay iyo goorma ayuu is casilayaa taasina maaha su,aal ee waa hal xidhaale waxaana ka jawaabaya marka madaxweynaha somaliland digreeto ku soo saaro wakhtiga doorashada.”

Dhinaca kale gudoomiye Cirro oo ka hadlaya wada hadalka u dhaxeeya somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu soo jeediyey in la joojiyo wada hadalkaasi waxaanu yidhi “Waxaynu dhamaanteen ka war qabnay in wada hadalka somaliland iyo somaliya uu ahaa go,aan dalku wada qaatay balse xukuumadu markii danbe kaligeed isku koobtay wada hadalkaasina uu noqday mid ma  dhalaysa, cimrigii xukuumadana waxa ka hadhay afar bilood waxaanu xisbiga Waddani soo jeedinayaa in la joojiyo wada hadalkaas ilaa inta doorashada la galayo.”

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay tabashooyinka gobolada bariga iyo galbeedka waxaanu yidhi “ Tabashada gobolada bariga iyo galbeedka  gabayada kuma wanaagsani laakiin waxaan u malaynayaa in la soo gaadhay maalin uu ka digay Abwaan Gaariye oo uu yidhi  Maalinba Iman Doonta dadka  Awdal iyo Sool Ee Aadanow Hagrateen Raacdadoodu Adkaatoo Lagu Raadsho Ilays, mudadii xukuumadan wakhti yar ayaa ka hadhay haddii ay wax qabanaysana way qaban lahayd laakin dadka waxaan u soo jeedinayaa xalka waxa weeye inaynu doorasho galno isbadal iyo xukuumad arintaas wax ka qabatana dhalino.” Ayuu yidhi gudoomiye Cirro

 

Saxil News// Hargaysa // Office

berbera2002@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here