Hargaysa (Saxilnews.com)-Dhalinyarada UFFO waxay sameeyeeyn wanaag lagaga dayan karo,oo mudan in laga sheekeeyo oo la qoro mar kastana laabta lagu hayo ,doorka dhalinyadani waa mid leh qadarin iyo tilmaamid.Waa dhalinyaro u hawlgaley inay bulshada wax u qabtaan una huray intoodii mudnayd.
Waxaa haboon in lagu daydo mar kasta si loo nooleeyo wadadaa ay jeexeen,horumar baana lagu gaadhayaa.Waxay muujiyeen in ficilku ka mudan yahay ka hadalka dhaliilaha muuqda .
Bishii Noofember 4,1981 ayaa gurigiisa laga soo qabtey mudane Maxamed Baaruud Cige oo ahaa guddoomiyihii UFO. Intaa wixii ka danbeysay arintii waxay noqotay in maalinba koox ama qof la soo qabto.Muddo ayey ku jireen xaruntii nabad-sugida iyo xaruntii Birjeex ee qaybtii 26aad ee Dooxa Maka-Durdure agtiisa .
Mudadan waxaa garaacis, jidh-dil , iwm lagu hayey kooxdan UFFO. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa loo qaybiyey waraaqo ay ku qoran yihiin xeerarka lagu qaadayo iyo dacwada lagu haystaba
Dawladii Afweyne waxaa si cad uga go’nayd inay boqno gooyaan aqoonyahanadan dhiiradey. Sheekaduna noqoto isha Cali ninkii dayey digniin waa ugu filantay
Hase yeeshee muddadii ay xidhnaayeen waxa wacyi galintii iyo guubadii si toos ah u taabatay ardaydii oo doorka ugu wayn iyagu lahaa. Waxaana sidaa ku bilaabmay Kacdoonkii ardayda .
Kacdoonka ardayda dugsiyadu waxay ujeeddadiisu ahayd in diidmo lagu muujiyo cadaadisna lagu saaro xukuumaddii millateriga ahayd ku doonaysay in ay xukun qarqoosh qarsoodi ah ku riddo kooxda UFFO, kadib markii lagu eedeeyey in ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ka soo horjeeda taliskii dhacay ee kalitaliska ahaa.
Ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyada sare ee Hargeysa oo ku baraarugsanaa isha una dheg taagayey isku-daygii xukunka xaqdarrada ee lala damacsanaa kooxda UFFO,
Waxaa samaysmay is kooxaysi ardeyda dhexdeeda ah oo intii isku dugsi ama xaafad ah ay gaarkooda isu abaabulaan oo habeenkii iyo maalinta gelinkeeda dabe kala war qaataan .Go’aana waxaa lagu gaadhey inaan ardeyda iyo hooyooyin loo kala hadhin maalinta Maxkamada la keeno.
20 February 1982-kii, waxa gilgilay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco isu-soo-baxyo dhagaxtuur ah oo lagu diidanaa xadhigga aqoonyahannad iyo macallimiinta ay qabqabateen askartii taliskii Siyaad Barre.
Waxaan ka mid ahaa ardaydii fasalka 3aad ee gacan libaax. Balantaydu waxay ahayd in marka la maqlo rasaasta oo ka bilaabmaysay isku dhaca ardayda Faarax Oomaar iyo ciidankii faqashta ee maxkamada joogay la maqlo aanu dibad u soo baxno aanu socod dheer ku soo maro jidka dheer ee halbowlaha magaalada halkaas oo dadkii suuqa joogay iyaguna naga sii raaceen.
Ardaydii ayaa iyaga oo koox-koox u socda u soo baxay waddooyinka iyo suuqyada magaalada Hargeysa, kuwaas oo dagaal ba’an la galay ciidammadii xilligaas oo ku caan-baxay arxan-darro iyo cadaawad aan xad lahayn oo ay bulshada rayidka ah kula kici jireen.
Kacdoomadaas kala duwan ee ardaydu ka samaysay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, ayaa keenay khasaare naf iyo maalba oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac hanti lunta oo soo gaadhay shacabka magaalooyinka, iyada oo tirooyin aad u badan oo ka mid ah ardaydiina loo taxaabay xabsiyada.
Waxaan xasuustaa markii aanu soo gaadhanay badhtanka magaalada in koox loo soo abaabulay in ay kala qaybiyaan ardayda adhaxdana ka jabiyaan midnimada ardayda ay naga dhex tooseen iyagoo ku qaylinaya Daarood ha dhaco dooni mayno daarood.
Dadku kala il dheere waxaa xusid mudan Saaxiibkay Maxmed Baashe Xaaji Xasan in uu ka dhiidhiyey oo yidhi weedhaha inkala faquuqaya hala joojiyo. Isla markaana uu bilaabmay isku dhac ardeyda dhexdeedii ah.
In aanu khilaafkaa xalinaa waxay nagu qaadatay muddo dheer.
Waxaa xusid mudan in saaxiibaday Abidi Halim Mohamed Muse oo laga soo qabtay Burco Iyo Cabdinaasir Cali xamari oo Hargeysa laga qabtay Iyo dhilin yaro wiilal iyo gabdhoba leh oo ka mida ardeydii Hargeysa Iyo Burco ay muddo dhowr bilood ah xabsiga mandheera ku jireen.
Qalinkii Faysal Cadami