Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyneku Magacaabay guddi Qaban Qada 18 May

0
21

 

Hargaysa (Saxilnews.com)-

Taariikh: 20/02/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3850/022016 ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.

Direetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-

 

 Ujeeddo:       Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.

 

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

 

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                          Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                              Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                 Xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka             Xubin
  5. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta                             Xubin
  6. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada                       Xubin
  7. Maayarka Caasimadda Hargeysa                                              Xubin
  8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka             Xubin
  9. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)        Xoghaye
  10. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada)Xubin
  11. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)                                    Xubin
    12.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)                                                            Xubin
  12. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD)                            Xubin
  13. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)                                              Xubin

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.             

 

 

Taariikh: 20/02/2016

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:-

 

Ujeeddo:       Magacaabid Guddi

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

 

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi
  3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
  4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar
  5. Wakiilka Wareega ee Somaliland     Mudane, Raabi Axmed Mohamed
  6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga              Mudane, Cali Axmed Cismaan
  7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda              Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
  8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda              Prof. Maxamed Siciid Gees
  9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
  10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga                           Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
  11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud      Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
  12. Professor, Macalester College, Minnesota            Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
  13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda HargeysaMudane, Maxamuud Xuseen Faarax
  14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah  Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
  15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.WakiladaDr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
  16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.GuurtidaMudane, Axmed Daahir Jirde
  17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID               Eng. Faysal Cali Waraabe
  18. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani  Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

 

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.             

 

WWW.SAXILNEWS.COM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here