Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaalka ICC ee fadhigeedu yahay The Hague (Holland) ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in xal laga gaaro Maxkamadeynta Madaxweynaha Sudan oo diiday inuu horyimaado maxkamadaasi.
Sanadkii 2005tii ayey ahayd markii Golaha Amaanka ee UN-ka ay ka cosadeen maxkamada ICC inay baarto danbiyada dagaal ee ka dhacay gobalka Darfur, waxaana sanadkii 2009 si rasmi ah dacwad la xariirta danbiyada dagaalka lagu soo oogay Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir.
Advertisement
Sidoo kale sanadkii 2010 ayey xeer illaalinta maxkamada danbiyada dagaal kusoo oogtay Cumar Al Bashiir danbiyo horleh oo uu ku jiro Xasuuq inuu geystay.
Balse dowlada Sudan ayaa diiday in ay la shaqeyso Maxkamada ICC, Madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaan illaa iyo hada lasoo qaban taasina waxaa looga baahan yahay in xal uu ka gaaro Golaha Amaanka ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay maxkamada ICC isniintii shalay.
Saxilnews.com