Cali Sundule ma istaahilaa Wasiiru Dawlaha nabadaynta barriga Somaliland, Siilaanyo se nabad ma ka rabaa Goboladda barri? Qaybtii 1AAD.

0
33
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkaad kabo ka tolanaysid kabihiisa ayaa laga eega, Madaxweyne Siilaanyo inuu nabad ka rabo Gobollada Barri iyo in kale waxaa laga garan karaa Masuulka uu u magacowday Wasiiru Dawlaha nabadaynta beriga Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule).

 

WAA KUMA CALI SANDULE?

Looma baahna in laga hadlo wixii Cali Sundule ahaa ama soo sameeyey burburkii ka hor, waayo Somali oo dhan baa wax ka xun oo kuwii kasii daran sameysan, sidaas darteed falalkiisii hore waxay noqonayaan i qarso, laakiin waxaa xusid mudan inaan kor ka xaadino burburkii kadib, sidii siyaasada ku soo galay iyo inaan qiimayno inuu istaahilo booska Siilaanyo ku magacowday oo uu muraayadda u yahay nabada Siilaanyo ka hadlo iyo gogoshan 5 sano taalay ee lagu fadhiisan layahay.

Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandule) markii burburku dhacay ee shaqadiisii meesha ka baxday wuxuu degaanka Canjiid ka samaystay kontoroolkii ugu xumaa oo caro dhulbahante laga sameeyo.

Kontoroolka Cali Sandule lacagta ka heli jiray ama noloshiisu ku tiirsanayd waxaa laga fulin jirin gabood falyadii ugu xumaa ee Dhulka Somaliland ka dhaca, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kufsi gaal iyo Islaamba leh, dhac iyo tacadiyo kale oo dadka wadada maraya loo geysto.

Marka kontoroolkiisa lagu dhibayey dadka safarka ah oo ah kuwa oo maanta wasiirka u yahay, Mudane Cali wuxuu sitay dhar qurux badan oo uu ka gatay dhaqaalihii kontoroolka looga keeni jiray, wuxuuna marayey magaalada Laascaanood dhexdeeda, iyadoo aanay ka muuqan wax dareen ah oo muujinaya dhaqaalaha uu ku noolyahay inuu si xun ku soo galay iyo murugo gabood falyadii uu geystay.

Cali xiligii Ina Riyaale Madaxweynaha ka noqday ayuu Hargeysa u soo gudbay, taas oo uu gala galaysi iyo leexleex badan kentay inuu maanta Wasiir ka noqdo Somaliland.

Cali Sandule waa nin aan Saaxiibtinimo joogto ah lahayn, laakiin dan joogto ah leh, waxaana saaxiibadii ku xantaan ama ku naanaysaan nin jirjiroole ah oo marba dabkii baxaya dab ku qabsada.

Wuxuu ku xigeen ka noqday Xisbigii XAQSOOR ee uu hogaamiyaha ka ahaa Xasan Ciise, nasiib daro markuu arkay in dabkii Siilaanyo aad u ololayo ayuu qoriga ku qabsaday, waxaana lagu xantaa inuu ku wacad furay ama xoolo ku bedeshay Xisbigiisii iyo Gudoomiye Xasan Ciise oo aad ugu hanweynaa.

Khiyaamadii uu ku sameeyey Xasan Ciise iyo burburinta Xisbigii uu ku xigeenka ahaa waxaa Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule) Siilaanyo ku abaalmariyey Wasiiru Dawlaha nabadaynta beriga Somaliland.

Muxuu Sameeyey intuu Goboladda Barri ku magacownaa?

Maleeshiyo beeleedka ka amar qaadataa ee Ibrahim Ashkir hogaamiyo ee uu huwiyey Magaca Ciidanka Somalia shacabkana ku waxyeeleeyo.

Markhaati Beenaalaha uu waxqabadka aan jirin Xukuumadda Siilaanyo ugu markhaati furo Hargeysa ee dhaqaalaha lagu lunsado.

Beel nacaybka iyo kala dilka shacabka

La soco qaybtii Labaad JIMCAHA DAMBE 30/1/2015

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here