Ciidamo Ka Tirsan Booliska Somailand Ayaa U Kicitimay Carqaladaynta Shirka Buraale Maxamed Ee Ka Socda Shanshacade kaas oo beeshu Kaga Tashanaysay Aayaheeda Iyo Daneheeda Gaar Ahaneed Iyo Waliba Mago Ku Raagay Beeshu Sidii Ay Isaga Bixin Lahayd Shirkan Ayaa Waxa Uu Ahaa Shir Dhaqan.
Balse tan iyo markii uu bilawday shirkani waxaa faraha kula jiray wasiirka hawlaha guud cali xasan( cali marexaan oo donaanay in la mijara habaabiyo ajandaha shirka laguna daro arimo siyaasadeed oo loogu guulwadaynaayo muuse biixi cabdi balse odayada iyo waxgaradka beesha ayaa si adag uga hor istaagay arintaasi taas oo bedelkeeda damcay in loo adeegsado shaadh dawladeed oo lagu baqdin geliyo ciidamada kala duwan ee booliska iyo milatariga ooh ore goobta ugu sugna u wato Faysala Cabdi Bootan oo goobtaasi isaga dabqaadaayay in lagu khasbo tageerada muuse dadweynaha ka tashanaayay mustaqbalkooda
Shirkan ayaan wax hakad ah gelin lana soo gabagabeeyay maanta oo ay ka soo baxeen qodobo mardhow lagu soo daabici doono warbaahinta balse ciidamadii booliska ahaa oo watay saddex gaadhi iyo gaadhi uu leeyahay xooghayaha dawlada hoose cismaan Shiikh Cismaan Nuur ee burco oo wasiirka hawlaha guud ku amray in la siiyo nin lagu magacaabo cismaan seraar loona shidaaliyo gadhiigisa iyo kuwa boliska iyo warbahinta oo ah Tvga Universal oo kaliya ayaa goobta gaadhay iyagoo damcay in la duwo qodobada ka soo baxay shirka xubno baqdin hadlayana lagaga hadliyo oo lagu khasbo inay tageraan muuse biixi cabdi kuwaas oo qori lala horfadhiyo sida wararku nagu soo gaadhayaan qol iskuul oo lagu xareeyay oo uu kamid yahay xildhibaan Ibraahin Jamac Basaale(gaboobe) oo isagu ka tirsan isbahaysiga Kulmiye horena mawqiifkisa u cadeeyay.
Ciidamadan gaadhay goobta ee booliska ka tirsan ayaanu ogayn taliyaha guud ee ciidanka Somaliland Fadal balse waxaa taliyaha qaybta amar madhafaan ah dhakada gaga soo riday wasirka hawlaha guud Cali Mareexan oo amray in ciidamadu tagaan goobtaas,
Isku soo wada duboo waxaa mashruucan lagu burburinaayo shirka beesha buraale maxamed soo qaatay oo doonaayay in lagu daro qodobkan siyaasiga ah xubnaha kala ah
Faysal cabdi botaan ,Taliye sablaale,Taliyihii hore ee saldhiga aadan salebaan fuuaad
Cismaan seraar oo ciidanka ka tirsan iyo maxamed aadan oo ka tirsan xanaanada xoolaha kuwaas oo wasiirka hawlha guud u soo dira lacag gaadhaysa shan iyo labaatan kun oo dollar
Caqilka Guud Beesha Buraale Maxamed ku shiraysa Shashcade ayaa shirki an sugin inuu soo xidho .kana cadhooday cidamada Booliska iyo milatariga Cali Mareexan kenay degaankisi iyo sababta uu waxaa u samaynayo. Ilaa hada waaxan talabo qadin Suldanka Guud Ee Axmed Farax oo beesha Buraale maxamed uga ergootay Cali Mareexan oo jifi hoose isku yihin.
Tan iyo inti Somaliland Jirtay Waa marki ugu horaysay Ee Taarikhda Beel dhan lagu qasbo in la yidhaahdo xisbi iyo musharixin anay rabin tageera ,
Cali Jamac Farax