CIYAARYAHANKII UGU HOREEYEY OO ISKA CASILEY XULKA GOBOLKA MAROODI-JEEX IYO SABABAHA UU ISKU CASILEY.

0
26

Boorama (saxilnews):-Ciyaaryahan Maxamed Cabdi Ismaaciil(Xato) oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey ka mid ahaa ciyaaryahanada xulka gobolka maroodi-jeex ayaa iska casilay ka mid ahaanshaha xulka gobolka maroodi-jeex.

Ciyaaryahankan oo xulka gobolka maroodi-jeex u sitay lambarka 18-aad ayaa sheegay in uu u adkaysan waayey xaalad ka taagan ciyaaryahanada gobolka dhexdooda isla markaana uu go,aansaday in uu iskaga tago gobolka.

Qoraal kooban oo ciyaaryahankani soo gaadhsiiyey shabakada wararka ee hadhwanaagnews ayaa u qornaa sidan:-“Waxaan iska casilay ka mid ahaanshiyaha ciyaartooynimo ee xulka kubbada cagta gobalka Maroodi jeex oo aan ka mid ahaa labadii sanno ee ugu dambeeyey , Aniga oo sannadkii 2013kii xulka gobalka Maroodi jeex kula guuleystay koobka gobalada somaliland.

waxaanan halkan ku cadeynayaa inaan iska casilay ka mid ahaanshiyaha xulka kubbada cagta gobalka Maroodi jeex .

sababta aan iskaga cisalayna waa xaalad ka dhex taagan gobalka oo uu ka wado macalinku anigana way ii cuntami weyday inaan kasii mid ahaado xulka gobolka.

 saaxiibadan wakhtiga fiican soo wada qaadanay ee aanu mudada  ka wada tirsanayn xulka gobolka Maroodi jeex waxaan u rajaynayaa guul insha alle ha idinku guuleeyo saaxiibayaal ciyaarta soo”.

Ciyaaryahankan ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu horeeyey ee iskaga taga xulka kubbada cagta ee gobolka maroodi-jeex intii uu socday tartanka is reeb-reebka ciyaaraha gobolada Somaliland.

 

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here