Xukuumadda Somaliland Oo Maxay Katidhi Kalluumaysato Reer Laas-qoray Ah Oo Ciidanka Badda Puntland Laayeen

0
24

Laasqorey ( saxilnews.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ku eedeysay in Ciidammadeeda ilaalada Xeebuhu Biyaha Badda ee Laasqoray ku laayeen Kalluumaysato reer Somaliland.

MV-JAABIR

Somaliland ayaa sheegtay in Ciidammada ilaalada xeebaha ee Puntland oo eryanaya Kalluumaysato reer Iiraan ahi ay si sharci daro ah u soo galeen biyaha badda Somaliland isla-markaana halkaa ku dileen mid ka mid ah Kalluumaysata reer Laasqorey oo xilligaa badda ku jiray.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Faarax Jaamac (Buureed) oo shalay shir jaraa’id ku qabtey Hargeysa, ayaa arrintaasi ku faahfaahiyey, waxaanu yidhi; “Intaannu ognahay Ciidammo maamulka Puntland ah oo caydhsanaya Doonyo IRAN leedahay oo ka kalluumaysta badda dhinaca Puntland ayaa isla soo galay badda Somaliland, dabeedna Nin qaali ah oo reer Laasqoray ah oo Kaluumaysatada ka mid ah ayaa ku dhintay.”

Wasiir Buureed oo sii hadlaya ayaa Tacsi u diray Marxuumkaa Ciidammada Puntland ku dileen Badda Laasqoray. “Alle ha u naxariistee isaga iyo ehelkiisaba tacsi ayaanu u diraynaa. Markaa dhibaatadaas baa dhacday, iyaguna doon yihii iyo wixii way la tageen.” ayuu yidhi Wasiir Buureed.

Waxa uu Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland sheegay in Ciidammada Puntland si xad-gudub ah u soo galeen Biyaha Badda ee Somaliland, Wasiir Buureed oo ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Dhibaatadaas baa dhacday, waana mid xadgudub ah, waxay ahayd haddii doonyuhu ka soo gudbeen Soonahooda inay dawladda Somaliland ku soo war galiyaan oo arrintaas la soo socodsiiyaan. laakiin inay ka daba yimaaddaan oo halkaas la soo galaan sharci darro ayay ahayd, wixii halkaas ka dhacayna iyaga ayaanu jawaab degdeg ah ka sugaynaa, dawladda hay’adaheeda ammaankuna way la xidhiidheen.”

Halka qof ee dhintay ee ka tirsanaa Kalluumaysatada reer Somaliland ee degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ee ay Ciidammada Badda ee Maamul-goboleedka Puntland dileen, ayaa Magaciisa lagu sheegay Marxuum Maxamuud Axmed Muuse Suldaan.

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here