0
37

Hargaysa (SN)-Sawirro: Kulanka Saddex Biloodlaha Ah Ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Iyo Wasaaradaha Golaha Hagista Ah Ee La Shaqeeya Komishanka Ayaa Maanta Kulan Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa.

Kulan ballaadhan oo uu soo agaasimay komishanka qaranka xakamaynta HIV/AIDS-ka islamarkaana ahaa mid dib loogi eegayay laguna dardargalinayay wadashaqaynta komishanka iyo wasaaradaha wadashaqayntu ka dhaxayso ee holaha hagista ayaa maanta shir ku yeeshay Hotel Baraar ee magaalada Hargaysa.

Kulankan ayaa intii uu socday si qoto dheer loogu lafo guray sidii loo xoojon lahaa wadashaqaynta ka dhaxaysa komishanka iyo wasaaradaha qaybta ah,iyo sidii dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ku u heli lahaayeen daryeelka iyo caawimada ay xaqa u leeyihiin,sidoo kale waxa kulanka lagaga hadlay in la dhamaystiro qorshaha komishanku diyaariyay ee ah in manhajka waxbarashada dalka lagu daro sidii bulshada loo nari lahaa loogana wacyigalin lahaa xanuumka HIV/AIDS-ka,si ardayda dalku ugu baraarugsanaato dhibaatada xanuunka bulshada kalena ay uga wacyigalin lahaayeen.

Waxa kulanka kasoo qayb-galay Wasiirada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta,Caddaaladda,wasiirku xigeenka Caafimaadka,warfaafinta,waxbarashada,Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha,masuuliyiin ka socotay haydaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah,waxaanay dhamaantood soo dhaweeywen kulankan maanta qabsoomay,iyagoo sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada kala duwan ee shaqo wadaaga lihi ay xoojiyaan xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhaxeeya,islamarkaana ay waajib tahay in la joogteeyo kulamada noocan oo ale ah,waxaanay komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS-ka ku bogaadiyeen shaqada baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan,iyagoo xusay in markasta diyaar u yihiin xoojinta iyo dedaalka loogu jiro in la cidhibtiro xanuunka HIV/AIDS-ka.

Xafiiska Warbaahinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here