Ciidamada Itoobiya oo weerar hor leh ku qaaday Tigray xilli TPLF ay xabad joojin ku dhawaaqday

0
18
Ciidamada Itoobiya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xoogagga Tigray ayaa dowladda Itoobiya ku eedeyay inay ku qaadeen dhowr weerar oo xaga cirka ah isla markaana ay iska dhaga tirtay baaqyada xabadjoojinta.

Tani ayaa imaneysa kaddib markii TPLF ay shaacisay in ciidamadooda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu baxaa aagagii ah yeyteen.

Maamulka Addis Ababa ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeynta iyo baaqyada ka soo yeeray fallaagada ee ku aaddan xabbad joojinta.

Maraykanka iyo UK waxay sheegeen in horumarkan uu fursad u siin karo in la wadahadlo.

Duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa wax weyn ka baddalay isu-dheellitirka dagaalladii sokeeye ee dhiigga badani ku daatay ee Itoobiya.

Bil ka hor, ciidamada Tigreega ayaa u muuqday kuwo ku wajahan caasimadda, iyaga oo u jiray laba boqol oo kiilomitir Addis, hadda se waxay u muuqdaan inay ku jiraan dib u gurasho buuxda.

.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinaha,Turkiga iyo Iran-iyo sidoo kale ciidamo cusub oo la soo abaabulay ay jabiyeen kooxda.

Dowladda Itoobiya ayaa hadda ku guuleysatay in ay dib ula wareegto inta badan gobollada Axmaarada iyo Canfarta, iyadoo ku dhawaaqista dib u gurashada jabhadda ay noqotay mid lama filaan ah.

Su’aashu hadda waxay tahay dowladdu ma sii wadi doontaa weerarkeeda iyadoo heshay kalsooni hor leh…. mise waxay la fariisan doontaa TPLF si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee saddex iyo tobanka bilood socday – iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee uu horseeday gulufka.

Raashin gargaar ah ayaa lagu qaybinayaa xero ay ku nool yihiin dadkii kasoo barakacay dagaalada Axmaarada

.Militariga federaalka Itoobiya la sheegayaa inay gudaha u galeen magaalada Alamata, oo ah goob lagu muransan yahay oo ku taalla koonfurta gobolka Tigray.

Tallaabadan ayaa haddii ay dhab tahay noqoneysa markii ugu horreysay ee ay ciidanka dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed dib cagta u saaraan aagaggaas tan iyo xagaagii lasoo dhaafay ee bartamihii sanadkan.

Xoogagga Tigray ayaa markii ay ka baxeen Amhara iyo Afar rajeynayay in la gaaro xabad joojin. Afhayeenka Tigray, Getatchew Reda, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa dalalka adduunka ugu baaqay inay xukuumadda Addis Ababa ka dhaadhiciyaan qaadashada xal siyaasadeed.

Hoggaanka TPLF ayaa beesha caalamka u diray wax u eg “qeylo dhaan” ay uga codsanayaan inay ka caawiso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa dagaalka.

Xoogagga Tigray ayaa lagu soo warramayaa inay dib u gurasho sameeyeen, ayna ku laabteen gobolka Tigray, tallaabadaas oo waddada u xaari karta xabbad joojin iyo ‘in la furo wadaxaajood nabadeed’.

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa sheegay in kooxdu ay dib uga baxday gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar(Canfar). Getachew Reda ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku xaqiijiyay ka bixitaanka TPLF ee labada gobol.

Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed tagay jiidda hore ee dagaalka, waxaa isasoo tarayay guulaha ciidankiisa oo dagaal kharaar kula jiray TPLF.

Kooxda fallaagada ah ayaa cadaadis xoog leh lagu saaray duqeymo xagga cirka ah oo ay dowladdu u adeegsaneysay diyaaradaha drones-ka ee ay ka heshay Turkiga.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya, halka malaayiin kalena ay ku bara kaceen. Ku dhawaad 10 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here