Idriss Déby: Kumuu ahaa madaxweynihii la dilay ee Chad?

0
20

Taliska militariga waxay sheegeen in Idriss Déby uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalka jiidda hore

Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ee geeriyooday isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa marar badan ka badbaaday isku dayo dil iyo afgambi ah oo lala damacsanaa.

Déby wuxuu qudhiisa xukunka ku qabsaday afgambi kaddibna wuxuu wajahay dhowr isku day oo sidaasoo kale loogu doonayay in xilka looga tuuro.

Lix doorashoo oo ka dhacday dalkaas – oo tii 11-kii bishan April ay ugu dambeysay – ayuu ku guuleystay si uu madaxweyne usii ahaado.

Qaar ka mid ah doorashooyinkaas waxaa qaaddacay xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka Chad oo sheegay in aysan ahayn doorashooyin xor ah.

Bishii April ee sanadkii 2006 wuxuu ka badbaaday isku day lagu damcay in lagu afgambiyo kaddib markii xoogagga fallaagada ay weerar ku qaadeen magaalada caasimadda ah, mar kalena wuxuu weerar noocaas ah ka badbaaday sanadkii 2008. Fallaagada waxaa markaas ka adkaaday ciidamada dowladda ee gacanta ka helayay diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska iyo saraakiil xeeladaha dagaalka u dajinayay. Faransiiska ayaa sidoo kale Chad ku taageerayay sirdoon.

Sanadkii 2013-kii, dowladda Chad ayaa sheegtay inay fashilisay afgambi kale oo la qorsheynayay, xilligaasna waxaa la sheegay inay ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan taliska militariga iyo xildhibaan mucaarad ah.

Kumuu ahaa Idriss Déby siduuse ku noqday madaxweynaha Chad?

Idriss Déby wuxuu ku dhashay magaalada Fada ee bariga dalka Chad sanadkii 1952-kii. Isagoo ah askari ka tirsan militariga ayuu siyaasigii lagu magacaabi jiray Hissen Habre ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro Goukouki Oueddei, sanadkii 1982-kii.

1989-kii, wuxuu u baxsaday dalka Suudaan kaddib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgambi militari.

Laakiin hal sano kaddib xisbigiisa oo la magac baxay dhaqdhaqaaqa waddaniga ayaa kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen xukunka uga tuuray Mr Habre oo dalka dibaddiisa u cararay. 1991-kii ayay ku dhawaaqeen in Mr Déby uu yahay madaxweynaha Chad.

Idriss Déby wuxuu geeriyooday isagoo 68 jir ah
Qoraalka sawirka,Idriss Déby wuxuu geeriyooday isagoo 68 jir ah

Wuxuu ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee Chad ka dhacday waqtigii gumeysiga kaddib oo la qabtay sanadkii 1996-kii.

Dib ayaa loo soo doortay sannadkii 2001, kaddibna 2005 wuxuu ku guuleystay afti qaran oo u oggolaaneysay inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha.

Warbixin ay sanadkii 2013-kii soo saartay hayadda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa Mr Déby loogu eedeeyay inuu si arxan darro ah ula dhaqmo dadka dhaliila maamulkiisa, uuna iska indho tiray ballaan qaadyo uu u sameeyay inuu ilaalin doono xuquuqda aadahana markii uu xukunka qabsanayay sanadkii 1990-kii.

Mr Déby wuxuu dhowr jeer farogalin ku sameeyay arrimaha ku saabsan dalalka dariska la ah. Ciidamadiisa ayaa galay dalalka Afrikada Dhexe iyo Mali.

Bishii January ee sanadkii 2012-kii ayuu muran xoog leh abuuray kaddib markii uu guursaday gabar uu dhalay Musa Hilal oo la sheegay inuu ahaa kooxdii ka jirtay Suudaan ee Janjaweed.

Sanadkii 2016-kii wuxuu ballan qaaday in haddii la doorto uu dib usoo celin doono sharcigii xakameyn jiray inta jeer ee uu qof madaxweyne noqon karo, laakiin sanadkan ayuu mar kale tartamay.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

1-da bisha December waxay ku aaddan tahay 30 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Idriss Déby la wareegay xukunka dalka Chad.

30-kii sano ee xukunka Idriss Déby muxuu u keenay dalka Chad?

Markii uu awoodda maamulka ku qabsaday afgambi xilka looga tuuray Hissene Harbe, Déby wuxuu si deg deg ah isaga dhigay dharka militariga oo uu iska ruqseeyay wuxuuna isu baddalay siyaasi.

Sanadkii 2016-kii ayaa Habre lagu helay eedeymo loo maxkamadeymnayay oo ku saabsanaa inuu geystay dambiyo dagaal. Maxkamad khaas ah oo ku taalla dalka Senegal ayaa kiiskiisa gacanta ku heysay.

Tan iyo markii uu madaxweynaha noqday wuxuu la tacaalayay mucaarad ka dhan ah maamulkiisa iyo kooxo fallaago ah oo hubeysan.

Madaxweynaha 68 jirka ahaa isagoo adeegsanayay qabiilkiisa awoodda badan ee Zaghawa oo daacad u ah ayuu aasaasay xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee badbaadada qaran.

Taas waxay u sahashay inuu ka badbaado saameynta kacdoonno badan oo qaar ka mid ah dalalka ku yaalla bartamaha Afrika ay ku burbureen kaddib markii ay maleyshiyaad la wareegeen maamulka kheyraadka biyaha, dhulka iyo macdantaba.

Waxaa horay loogu eedeeyay inuu hoggaaminayay dowlad hal xisbi uu awood leeyahay, inkastoo doorashooyin su’aalo la galinayay ay dhacayeen.

Xilliyadii ay socdeen doorashooyinka ama mudaharaadyada, xukuumadda waxaa lagu dhaliilayay inay jareysay adeegga internet-ka.

Déby oo ah rug caddaa dagaallo badan kasoo qeyb qaatay intii uu militariga ku jiray wuxuu ka baaqsaday dagaallo qaarkood xitaa ay isaga dan ugu jirtay. Si taxaddar leh ayuu u wajahay xasaradihii ka dhacay dalalka dariska la ah ee Suudaan, Liibiya iyo Afrikada Dhexe.

Isagoo heysa ciidan awood badan haddana waxaa loo arkayay nin nabadda ku dadaala oo coladada ka wareegta.

Idriss Déby wuxuu Chad madaxweyne ka ahaa 30 sano

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Idriss Déby wuxuu Chad madaxweyne ka ahaa 30 sano

Ilaa hadda, waddanka Chad wuu ka badbaaday qalalaasaha gilgilay dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso. Ciidamada Chad waxaa sidoo kale lagu amaanay inay la tacaalayeen kooxda Boko Haram ee fadhigeedu yahay dalka Nigeria, ayna dhibaatooyin badan gaarsiiyeen.

Waddan dhaqaale ka hela saliidda oo sabool ah

Waxaa u suuragashay inuu saaxiib la noqdo dalkii horay u gumeystay Chad ee Faransiiska iyo sidoo kale waddamada Mareykanka iyo Shiinaha.

Paris wuxuu inta badan ka kaashanayay dhinaca taageerada militariga halka Beijing uu ka helayay caawinaadda dhaqaalaha.

Siyaasiyiinta kasoo hor jeeda Déby waxay ku dhaliili jireen inuu lacagta kasoo xaroota kheyraadka saliidda ku iibsado taageerada dalalka awoodda leh iyo inuu kusoo baddasho hub halka shacabkiisuna ay saboolnimo ku nool yihiin.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Chad waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan guud ahaan caalamka – waxaana 66.2% ka mid ah shacabka dalkaas oo tiro ahaan gaaraya 15.5 milyan oo qof ay ku nool yihiin faqri heerka ugu daran ah.

Sanadkii 2019-kii, waddanka Chad wuxuu kaalinta 187-aad uga jiraa liiska dalalka dadkoodu ay horumareen ee ka kooban 189

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here