0
26
Gabadha u doonaneyd Khasoqji

Haweeneydan oo u dhalatay waddanka Turkiga waxa ay tuhunsan tahay in amiir Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, kaas oo lagu khaarajiyay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul sannadkii 2018.

Dhaxalsugaha Sucuudiga ayaa iska diiday inuu bixiyay amarka lagu dilay weriyaha, kaas oo ku noolaa waddanka Mareykanka, laguna yaqaannay inuu naqdiyo qeyb ka mid ah siyaasadaha Sacuudiga.

Khadiija iyo urur u dooda xuquuqda aadanaha oo uu Khaashuqji sameeyay ka hor inta uusan dhiman, waxa ay daba socdaan dilkiisa, waxaana wehliyo in ka badan 20 qof oo kale oo dhanka sharciga ku wanaagsan.

Dacwaddan madaniga ah ayaa laga furay magaalada Washington ee Mareykanka, waxayna Khadiija Cengiz, ku andacoonaysaa in ay wajahday khasaare maaliyadeed iyo xanuun shakhsiyadeed ka dib geerida Khaashuqji.

Sida ay sheegayaan kooxda xuquuqul insaanka u doodda ee uu dhisay Khaashuqji ee lagu magacaabo “Dimuqraadiyaddu waa in ay hadda ka hirgashaa Caalamka Carabta”, waxaa gebi ahaanba gabaabsi noqday howshoodii.

Maxamed Bin Salmaan

Dacwadda waxaa lagu sheegay in Khaashuqji lagu dilay “amar uu bixiyay Maxamed bin Salmaan”. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in “ujeedka dilka uu iska caddaa, uuna ahaa in laga hor istaago in isagoo ku sugan gudaha Mareykanka uu dhiirigeliyo in laga horgeliyo dimuqraadiyadda caalamka Carabta.”

Qareennada Khadiija Cengiz iyo kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ayaa shir jaraa’id oo ay dhanka internet-ka “muuqaal ahaan ugu qabteen” waxay ku sheegeen in ujeedka dacwadda ay tahay in maxkamadda Mareykanka ay horseeddo in amiirka dhaxalsugaha ah uu qaato mas’uuliyadda dilka sidoo kalana la helo dikumintiyada xaqiiqada bannaanka soo dhigaya, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post.

Bayaan ay soo saartay ayey Khadiija ku sheegtay: “Jamaal wuxuu aaminsanaa in gudaha Mareykanka waxkasta ay ka suurageli karaan, anigana waxaan kalsoonidayda siinayaa nidaamka cadaaladda madaniga ah ee Mareykanka, si loo xaqiijiyo in la gaaro wax uun cadaalad ah iyo in arrinta wax la iska waydiiyo.”

Waa kuma Jamaal Khaashuqji?

Muddo tobannaan sanadood ah ayuu weriyaha dhintay ahaa mid u dhaw qoyska boqortooyada Sacuudiga, sidoo kalena waxa uu lataliyo u ahaa xukuumadda dalkaas.

A demonstrator holds a poster with a picture of Saudi journalist Jamal Khashoggi outside the Saudi Arabia consulate in Istanbul, Turkey October 25, 2018.
Qoraalka sawirka,Dilkii Khashoqji waxaa ka dhashay cadho caalami ah

Balse mowqifkiisa ayaa isbadelay, sidaas daraadeed Khaashuqji waxa uu go’aansaday inuu dibad joog iska noqdo oo wuxuu 2017-kii u wareegay waddanka Mareykanka. Waxa uuna warbixin bil-le ah ku qori jiray wargeyska Washington Post. Wuxuu warbixinnadaas mararka qaar ku dhaleecayn jiray siyaasadaha amiirka dhaxalsugaha ah, Maxamed bin Salmaan.

Maqaalkiisii ugu horreeyay ee uu ku daabacay wargeyska bishii Sibteembar, 2017-kii, ayuu Khaashuqji ku sheegay inuu ka cabsi qabo in lagu qabto olole u muuqday in lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka, arrintaas oo uu hormuud ka yahay amiirka.

Siduu u dhintay Jamaal Khaashuqji?

Markii ugu dambaysay ee Khaashuqji la arkay isagoo nool, waxay ahayd mar uu sii galayay qunsuliyadda Sacuudiga, 2-dii bishii Oktoobar 2018-kii, si uu u soo qaado warqadaha looga baahan yahay ee guurka gabadhii u doonanayd ee Khadiija Cengiz.

Kaddib markii la dhagaystay cod laga duubay dad la rumaysan yahay inay ku jireen gudaha qunsuliyadda, codkaas oo ay soo gudbiyeen sirdoonka Turkiga, waxaa dhageystay Agnès Callamard oo ay Qaramada Midoobay si gaar ah ugu xilsaartay arrintaas, waxa ay go’aamisay in Khaashuqji “si waxshi ah loo dilay” maalintaas.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu horey ula kulmay wiilka Jamal Khashoqji oo lagu magacaabo Salex.
Qoraalka sawirka,Maxamed Bin Salmaan wuxuu horey ula kulmay wiilka Jamal Khashoqji oo lagu magacaabo Salex.

Hasayeeshee baaritaan ay sameeyeen guddi Sacuudiga uu arrintaas u saaray ayaa sheegay in dilka aanan hore loo sii qorshayn.

Waxa ay sheegtay in dilka lagu fuliyay amar ka soo baxay madaxa “kooxda wadaxaajoodka” ee Istanbul u tagtay si ay Khaashuqji uga la xaajoodaan inuu dib ugu laabto boqortooyada, “in arrintaas lagu qancinayo” ama haddii ay fashilanto “xoog” lagu celiyo.

Waxaa guuldarraystay wadaxaajoodyada, Khaashuqjina waxaa lagu duray daawo badan oo midda dadka suuxisa ah sidaas ayuuna ku dhintay, waa sida ay sheegeen guddigii Sucuudiga.

Maydkiisii ayaa la jarjaray waxaana lagu wareejiyay qof dadka deegaanka ah oo “gacan” siinayay wafdiga, kaas oo bannaanka qunsuliyadda uga saaray haraadiga maydka. Markaas kaddibna lama helin wax ka mid ah jirkiisa.

Dacwad oogayaal Turkiga u dhashay ayaa sheegay in Khaashuqji lagu ceejiyay gudaha qunsuliyadda, durbadiiba markii uu gudaha u galay, maydkiisana waa laga faraxashay.

Bishii Diseembar 2019-kii, Maxkamadda dambiyada ee magaalada Riyaad waxa ay shan qof ku xukuntay in loo dilo eedda ah “inay galeen dambiga dilkii Khaashuqji iyo inay si toos ah uga qaybqaateen.” Saddex kale waxaa lagu xukumay 24 sanadood oo xarig ah kuwaas oo lagu eedeeyay “inay qariyeen dambigaas, qaanuunkana hareer mareen.”

Maxkamadda waxa ay bari yeeshay saddex qof oo kale, oo ay ka mid yihiin kuxigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga Axmed Casiiri.

Sidoo kale waxaa la baaray Sacuud Qaxdhaani, latalilyihii hore ee dhaxalsugaha Sacuudiga, laakiin ninkaas wax eed ah guddigu uma aanay soo jeedin.

Bishii la soo dhaafay, warbaahinta xukuumadda Sacuudiga waxay sheegtay in la khafiifiyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday shanta qof kuwaas oo laga dhigay 20 sanadood oo xarig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here