47 koox diimeed ah oo naftooda dilay ayaa laga helay meel u dhow Malindi oo Kenya ah

0
105

Booliska Kenya ayaa soo saaray meydadka 47 qof oo ku dhintay meel u dhow magaalada xeebta ah ee Malindi, xilli ay baadhayeen war uu sheegay wadaad diinta faafinayay oo sheegay in dad madhabtiisa Diimeed raacsani inay gaajo u dhintaan.

Meydadka la helay caruur ayaa ka mid ah waxaana Booliiska ay sheegeen in soo saaristu ay weli socoto.

Qabuuro gacanta lagu qoday oo ku yaal dhulka Kaymaha ee Shakahola, ayaa laga helay 15 xubnood kuwaas oo la soo badbaadiyey todobaadkii hore.

Hoggaamiyaha kaniisadda The Good news International church, Paul Makenzie Nthenge ayaa xabsiga ku jira, isaga oo sugaya in la soo taago maxkamad.

Telefishinka dowladda ee KBC ayaa ninkan ku tilmaamay inuu yahay “hogaamiye kooxeed”. Wararka ayaa sheegaya in ilaa hadda la aqoonsaday 58 xabaalood.

Mid ka mid ah xabaalahaas ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan meydadka shan qof oo isku qoys ah – saddex caruur ah iyo waalidkood.

Mr Nthenge waa uu diiday in uu khalad sameeyay, balse waa loo diiday in damiin lagu sii daayo. Waxa uu ku adkaysanayaa in uu xidhay kaniisadiisa sanadkii 2019-ka.

Waxa la sheegay in uu u sheegay kuwa raacsan inay gaajo isku dulaan oo dhintaan si ay  Nebi Ciise la kulmaan.

Maalinlaha Kenya, The Standard, ayaa sheegay in dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ay qaadi doonaan tijaabada DNA-da ayna sameyn doonaan baadhitaanno lagu ogaanayo in dhibbanayaashu ay u dhinteen gaajo iyo in kale.

Booliiska ayaa xidhay Mr Nthenge 15-kii Abriil kadib markii ay heleen meydadka afar qof oo looga shakisan yahay in ay gaajo u dhinteen.

Victor Kaudo oo ka tirsan xarunta cadaaladda bulshada ee Malindi ayaa u sheegay Citizen TV “marka aan kayntan dhex tagno oo aanu ku aragno meel laga taaganu isku tallaab weyn iyo mid dheer, waxaanu garnaa in in ka badan shan qof ay ku aasan yihiin halkaas”.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in dhammaan 800 oo hektar oo kaynta ah la xidhay, laguna dhawaaqay goob dambiyeed.

Mr Nthenge ayaa la sheegay in uu magacaabay saddex tuulo oo magac Yuhuudeed leh oo kala ah Naasared, Beytlaxam iyo Judea halkaas  oo dadka raacsan madhabtan boqoro ka hor inta aan loo sheegin in ay soomaan, sida uu sheegay The Standard.

Kenya waa wadan diineed, waxaana horey u jiray kiisas dad lagu soo jiiday khataro, oo ay ka shaqeeyeen Kiniisado aan sharci ahayn ama culimo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here