4 arrin oo ku saabsan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

0
64
Taangi

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Soomaaliya, Sonna, xukuumadda Muqdisho ayaa ololaheeda ay ku doonayso in looga qaado cunaqabataynta hubka waxaa taageerayay dalalka Itoobiya iyo Uganda.

Warkan ayaa waxa uu soo baxay kaddib markii bishii July ay dowladda Soomaaliya ka codsatay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay gacan ka siiyaan rabitaankeeda looga qaadayo cunaqabataynta.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu cusboonaysiiyo cunaqabataynta hubka ee saaran dalka.

Muhiim ma tahay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya?

Axmed Kaboole oo si weyn u falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in hadda la joogo xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ay ula dagaallanto Al-Shabaab, maadama xilliggan dalka uu ka socdo howlgal ka dhan ah kooxdaas.

“Marka la fiiriyo wakhtiga lagu jiro Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay inay hesho hub ku filan si ay ula dagaallanto Al-Shabaab, waana dood soo socotay dowladihii hore iyo tan haddaba.

“Waxa maanta lagula dagaallami karo Al-Shabaab oo looga awood roonaan karo waa in ciidamadu ay helaan hub ka awood badan kan ay Shabaab heystaan, Soomaaliya Meesha ay maanta joogto shaley ma aysan joogin,  ciidamadu waa inay helaan hub iyo qalab awood leh ama ha noqdaan baabuurta qafilan ama hubkii weynaa ee taangiyada xilli dowladda ay haatan ku jirto ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Haddii Soomaaliya loo fasaxo hubka walaaca ayaa ah in hubka uu gacanta u galo kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri:

“Waxaa jira welwelka ah in Al-Shabaab ay suuqa ka helaan hubka, waxaana arrintaas looga gudbi karaa in nidaam loo sameeyo ciidamada oo ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa hubka, loona sameeyo siyaasad lagu xaddidayo, baahidiina wey jirtaa laakiin hubkaas maku dhici doonaa gacanta Al-Shabaab?, waa su’aal meesha ku jirta.”

hubka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Soomaaliya ayaa shegetay in ilaa hadda ay heysato taageerada Itoobiya iyo Uganda, balse waxaa jira waddan kale oo ay suurtagal tahay inuu soo galo safkaas, sida uu sheegay Kaboole.

“Kenya waxaa laga yaabaa inay garab istaag muujiso maadama ay kamid aheyd dalalkii diiday in wakhti dheeri ah lagu daro cunaqabateynta hubka. Itoobiya oo kamid ah dalalka u ololeynaya in Soomaaliya cunaqabateynta hubka laga qaado ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaalka, saameyn inay ku yeelato ayaana laga yaabaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in waddamada qaar ay taageeri doonaan dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in looga qaado cunaqabateynta hubka, haddii dowladda ay la timaaddo qorsheyaal qayaxan oo ku aaddan sidii loo xaddidi lahaa hubkaas.

“ Waxaa muhiim ah in waddamada AU ay taageeraan, dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay soo bandhigto qorsheyaal qayaxan, ayna buuxiso shuruudaha ku aaddan sidii ay ku xaddidi laheyd hubka si hubka uusan gacanta ugu gelin qabiil iyo Shabaab, sidaas darteed, Soomaaliya ayay ku xiran tahay sida ay arrintan uga dhaadhacsiso dalalka.. wax la hubo ma ahan laakiin waxaa laga yaabaa in tallaabadan ay soo dhawaato.”

Ciidanka Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markii ugu horraysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku soo rogo cunaqabatayn guud oo dhanka hubka ah ayaa aheyd dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992, iyadoo arrintaas lagu meelmariyay qaraar uu tirsigiisu ahaa 733 (1992).

Bilo kaddib waxaa soo baxay qaraar tirsigiisu yahay 751 (1992), kaas oo soo baxay 24-kii Abriil 1992, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa in lagu dhowro oo lagu dhammaystiro cunaqabataynta hubka ee uu Golaha Ammaanku ku soo rogay qaraarkii uu tirsigiisu ahaa 733 (1992).

Waxaase xigay qaraarro lagu sii sharraxay, waxna looga beddelay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, iyadoo qaraar uu tirsigiisu ahaa 2111 (2013), uu Golaha Ammaanku ku adkeeyay waxyaabo laga reebay cunaqabataynta hubka ee dalka.

Hasayeeshee 2013-kii ayuu goluhu qaraar tirsigiisu yahay 2111(2013) ku go’aamiyay in qeyb kamid ah cunaqabataynta hubka la qaado, si loo fasaxo hubka qaar ama saanad milateri, talo, kaalmo ama tababarba la galiyo horumarinta ciidammada ammaanka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Weerar horraantii 2014 ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay Al-Shabaab sheegteen

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Haddaba maxaa Soomaaliya loogu soo rogay cunaqabataynta?

1992, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn loogaga jawaabayay colaadda sokeeye ee dalka halakeysay, taasoo sabab u ahayd dadka tirada badan ee dhimanayay iyo burburka baahsan.

Hasayeeshee, cunaqabatayntaas dhowr jeer ayaa la cusboonaysiiyay oo wax laga beddelay.

Guddiga Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood ayaa gaara go’aanka lagu kordhiyo cunaqabataynta hubka. Haatan guddiga waxaa gudoomiye ka ah, Mr Fergal Mythen oo Ireland u dhashay, kaasoo waqtigiisa ku egyahay 31 bisha December ee sanadkan.

Guddiga ayaa waxa uu diyaariyaa warbixin sannadle ah oo ay ku soo koobaan xogta ugu dambeysa ee cunaqabataynta.

Marxaladihii ay soo martay cunqabateynta hubka ee Soomaaliya

  • Bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii ayaa markii ugu horreysay qaraar ka soo baxay golaha amaanka oo uu tirsigiisu ahaa 733 cunaqabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilligaasoo ahayd 1 sano ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe.
  • Bishii Juun ee sannadkii 2001-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1356 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa dib u eegis loogu sameeyay xayiraadda hubka ee Soomaaliya, waxaana laga soo reebay hubka qaar iyo qalabka milatariga oo cayiman, si loogu adeegsado howlaha la xiriira bani’aadanimada.
  • Bishii Luulyo ee sannadkii 2002-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1425 oo ka soo baxay golaha ammaanka ayaa lagu kala caddeeyay hubka laga mamnuucay Soomaaliya waxaana lagu qeexay in cunaqabateynta ay ka mid tahay mamnuucitaanka ka ganacsiga hubka.
  • Bishii Diseembar ee sannadkii 2006-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1725 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa xayiraaddii hubka looga qaaday Soomaaliya. Qaraarkaas ayaa u oggolaaday urur goboleedka IGAD iyo midowga Africa iney faragalin ku sameeyaan xaaladda Soomaaliya ayna ciidamo ka socda waddamada gobolka geeyaan si ay gacan u siiyaan dowladda Soomaaliya ee taageerada ka heysata Qaramada Midoobay isla markaana ay ka soo hor jeedeen kooxaha hubeysan.
  • Bishii Febraayo ee sannadkii 2007-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1744 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa lagu xaddiday cunaqabateynta oo gaar looga dhigay dhinacyada aan dowladda ahayn ee Soomaaliya ka dagaallama. Waxaa qaraarkaas lagu oggolaaday in Soomaaliya la geyn karo hub iyo saanad milatari oo looga gol leeyahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliya.
  • Bishii Nofeembar ee sannadkii 2008-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1844 ayaa wax looga baddalay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana lagu bartilmaameedsaday cid walba oo ku xad gudubta xakameynta hubka.
  • Bishii Diseembar ee sannadkii 2009-kii, qaramada Midoobay ayaa cunaqabateynta dhinaca hubka ku soo rogtay dowladda Eritrea, ka dib markii lagu eedeeyay iney ku xad gudubtay xayiraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya.
  • Bishii Maarso ee sannadkii 2013-kii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 2093 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa wax looga baddalay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo hababka loo isticmaalo waxyaabaha la xiriira saanadda milatariga ee la siiyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu sii xoojiyay cunaqabateynta ka dhanka ah dhinacyada aan dowladda ahayn.
Askari ka tirsan ciidanka oo qori garabka u saaran yahay

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Askari ka tirsan ciidanka oo qori garabka u saaran yahay

Cunaqabataynta hubka maxay taabanaysaa?

Cunaqabatayntu waxa ay mamnuucaysaa in wax hub ah ama saanad milateri la geeyo Soomaaliya iyadoo aanan oggolaansho loo haysan. Hubka iyo saanadda milateri ayaanan ku koobnayn oo kaliya, hubka, rasaasta, gawaarida qafilan, qalabka milateri iyo waxyaabaha lagu dayactiro hubka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah mamnuucidda in adeegyo gaar ah la bixiyo, taas oo mamnuuc ka dhigaysa in hub la geeyo dalka ama wax la qaab ahba, in la bixiyo adeegyo la xiriira waxyaabaha la mamnuucay, kuwaas oo ay ku jiraan in si toos ah iyo si dadbanba loo bixiyo talo farsamo, dhaqaale iyo kaalmooyinka kale ama tababbarro la xiriira dhaqdhaqaaqyada milateri ee ka jira Soomaaliya.

In Soomaaliya lagu taageero dhaqaale ay ku soo iibsato hub ama loogu keeno saanad milateri.

Hasayeeshee waxaa la oggolyahay in dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka oo caadiyan kaalmadooda milateri marsiiya hay’adaha matala Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay soo gudbiyaan codsi ku aaddan in wax laga beddelo ama qeyb ahaan la dhimo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here