Madaxweyne Farmaajo Oo Goor Ka Dhoofay Moqdisho Iyo Dalka Uu Ku Sii Jeedo

0
18

Moqdisho (SaxilNews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya.

Image may contain: one or more people and people standing

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sii qulqulaya madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here