Khilaaf Ba,an Oo Ka Dhashay Deeganka Xeedho Ee Degmada Berbera Kadib Markii Si Sharci Darro Ah Loo Dumiyey Dhul Ay Dad Shicib Lahaayeen

0
21

Berbera (Saxil News) Degaanka Xeedho oo kuyaal xeebta Galbeed ee Magaalada Berbera una jirta qiyaas ahaan 30KM ayaa Xisad Coladeed kasoo Muuqataa , Xiisadaas oo ka Dhalatay Muran Dhul iyo Seesan laga bineeyey Degaanka Xeebta Galbeedka Magalada Berbera kaas oo keenay in Odayaal kasoo jeeda Galbeedka Magaalada Berbera Xabsiga loo taxaabay , kadib Markii lagu soo edeeyey inay burburiyeen sees Sida Sharcidarada ah oo looga dhisay dhulkaa Xoolo daaqsimeed ah ee Degaanka Xeedho oo 30km kaga began Galbeedka Magaalada Berbera ,

Dhismahayaashani ay Diideen Dadka Xoolo dhaqatada ah ayaa la sheegay in loo dhisayey Boqorka Wadanka Kuweit ee Degan magaalada Sheekh oo katirsan gobolka Saaxil,iyo Niman kale oo la sheegay inay qurbo joog yihiin slamarkaana Sida lasheegay uu dhisayey nin ay Walaalo yihiin Wakiil Boqorka Kuweit ee Somaliland eng. Cismaan Farlajo,

Dhulka Seeskan laga Bineeyey ayaa ku yaal Meel Xoolo Daaqsimeed ah oo aanay Gaadhin Magaalada Berbera islamarkaana aney Maamulin Dawlada Hoose ee Degmada Berbera

Dhulkan Daaqsimeedkan Muranka Dhaliyey ayaa la Sheegay in odayaashan Xidhani ay uga Dacwoodeen Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo ay Shegeen inuu Waxba ka qaban Waayey ,islamarkaana ay hayadaha Amaanka ku wargaliyeen inay Wax kaqabtaan, balse waxba laga qaban wayey , taasina ay keentay in xoolo dhaqatadii daganeyd degaankaasi ay kasoo horjeestaan dhismahaasi sharci darada ah ee laga bineeyey Degaanka Xeedho ee Xeebta Galbeedka Magalada Berbera

Xadhiga Odayaashan ayaa Waxa Amarkiisa Bixiyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar , kaas oo ku Amray Taliyaha Saldhiga Dekadda Berbera Maxamed Dacar Ibraahin uu Soo xidho Odayaashan oo ilaa Maalintii Afraad ku jira Saldhiga Dekadda,iyadoo la sheegay in Saaka Maxkamada Gobolku Saaxil ay Dib ugu Soo celisay Saldhigaasi ,kadib markii ay Xeer ilaalintu weyday Cadeymo Dheerad ah oo la xidhiidha eedayntooda , iyadoo dhinaca kalena lasheegay in maxkamada Gobolka Saaxil iyo Xeer ilaalinta ay Amartay in lasoo Xidho dhinaca kale ee Dhisayey Seeskaas Sharcidarada ah ee laga bineynayey Dhul daaqsimeedka ka kuyaal Xeedho ee Xeebta Galbeed ee Magaalada Berbera

Sidoo kale Waxa ay Maxkamada Gobolka Saaxil ay Amartay in lasoo Xidho ninka Magaciisa layidhaahdo Cismaan Xasan Jeese oo la sheegay in Dhulkaasi Xoolo Daaqsinka ah uu ka iibiyey Boqorka Kuweit iyo Ninan kale oo Qurbe Jooga isagoo aan Wax Sharci ah aan u haysan in iibiyo Dhul Xoolo Daaqsin ah , Taasina ay Baalmarsan tahay Shariciga Degaanka ee Somaliland.

Haddaba Xadhiga Odayaashan ee ka dhashay is hortaag Dhismaha Dhul daaqsimeedka la doonayo in la degameeyo ayaa noqon kara mid fidno ka abuura Gobolka Saaxil haddii aan Si degdega aan Dowlada Somaliland Wax uga qaban ,Dhul Daaqsimeedkaas la doonayo in Si Sharci Daro ah looga dhismayaasha iyo Seesas aan ku habooneyn Degaankaas ,Degaankaasi oo ah mid Magaalada Berbera u jirta qiyaas ahaa.

 

Saxil News.com

 

 

Share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here