0
20

Hargeysa (Saxilnews):- Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu goordhaweyd safar deg deg ah uu kaga baxay caasimada Somaliland ee Hargeysa .

Image may contain: one or more people, car and outdoor

Hogaamiyaha ayaa waxaa uu ku sii jeeda magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil halkaas oo ay ku sugan yahiin wafti ka tirsan xisbiga Waddani oo uu hogaaminaayo Musharax Cabdiraxmaan Ciro .

 

Ujeedka uu Hogaamiye Xirsi ku tagaayo magaalada Berbera ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb gali lahaa qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha oo saaka ka bilaabmmatey magaalada Berbera , sidoo kale hogaamiyaha ayaa ka yimid soona gabo gabeeyey safar uu ku tagay Magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal oo ay iyadana qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaashu saaka ka bilaabmatey

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here