Hargeysa (SaxilNews):- Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Muddane Cismaan Afgaab oo warbaahinta la hadley waxaa uu ka hadley sababta ay u kala horeysiiyeen magacaanta musharaxiintii u tartameysay kursiga madaxweyne ku xigeenka xisbigaas ee shirka golaha dhexe
Muddane Cismaan Afgaab waxaa uu sheegay in xeerka xisbgu uu dhigaayo in musharaxiintu marka ay fadhiyaan goobta doorashada ay leeyihiin xaquuq siman isla markaana aanay xilalkooda ku kala sareyn waxaana uu yidhi
“Axmed Muumin Seed waxuu u codeeyey dhamaan shaqadii goluhu maalintaas qabanaayey , waana nasiib daro in gudoomiye ku xigeenka xisbigu xeerkii uu isagu xisbiga ku hogaaminaayey ku gafo sida uu tilmaamayo qodobka 8 farqadiisa 3 aad xubnaha xisbigu waxaa ay leeyihiin xaquuq siman , sidaas daraadeed musharaxiinta golaha fadhiday kumay fadhiyin xilalkooda ee waxay ku fadhiyeen in ay yahiin saddex musharax waxaana ay leeyihiin marka ay golaha fadhiyaan xaquuq siman ” ayuu yidhi
Sidoo kale gudoomiyaha golaha dhexe ayaa waxaa uu ka hadley in ay jireen xubno ka tirsan taageerayaasha Axmed Muumin Seed oo shirka laga hor istaagey in ay soo galaan waxaana uu yidhi
“Waxaa kale oo aad idiin sheegayaa wax tageerayaal ah oo dibada kaga maqanaa gudoomiye Axmed Muumin Seed haba yaraatee mabay jirin ,lakiin hadii u tageerayaal ka dhiganayo dadkii kulmiye soo abaabulay waxaa ay ilaa muqaata nasiib daro ” ayuu yidhi Cismaan Afgaab gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani .