BADHASAABKA GOBOLKA MAROODI JEEX OO U HANJABAY CID KASTA OO IS HOR TAAGTA CIIDAMADA KALA DUWAN

0
30

 Hargaysa(saxilnews.com)  Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare ayaa ku hanjabay in xabad nool loogu jawaabi doono cid kasta oo iska hor imaad la hor timaada ciidamada Qaranka Somaliland.
Mr. Jeeniyare oo ka hadlayay arrintii tiyaatarka Magaaladda Hargeysa ayaa xusay in aanay u dul qaadan doonin rabshado la  mid ah kuwaas.

Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu warbaaahinta u waramayay, waxaanu yidhi “Waxaan ka xumahay falkii shalay ka dhacay Tiyaatarka hargeysa ee ay ka sameeyen dadkii budhcada ahaa waanan can-baaray nayaa dad in tay qoryo qaatan oo gala meel iskuna dayan in ay wax sameeyan oo ay yidhaahdan qaran

ama dawladi majirto, waxaanan u hanbal yay nayaa ciidankii ka hortagay dadkaasi waxaanan leeyahay ciidanka bolisku talaabo ayuu ka qaadaya cidii waxaasi samaysay marka xigta ciddii isku dayda in ay waxaasi oo kale ku kacdo ciqaab dheerad ah ayay mudanaysaa, raggii shalay waxaasi sameeyay waynu ognahay wixii ku dhacay cid odhan karta dawladda ayaanu ka awood waynahayna majirto shalaytoolana ciidamadu way u tudhayeen oo waanu ku hanbal yeynaynaa in uu ciidanku dadkooda u tuudhan.

 laakiin dib u dhici mayso ciddii waxaasi oo kale isku daydana xabad nool ayaa lala dhacayaa ninka dambe ee shacab ah ee qaata qori ama hub toorina ha ahaatee dawladda u hogaan sami waaya ee sidii nimankaasi oo kale sameeya talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadayna, waananu uga digaynaa cidda waxaasi oo kale ka dhex guuxayaan, waxaan leenahay cagaha dhigta.

ciidan baanu leenahay ciidan kayaguna nooc walba way u tooba baranyihiin hubna nooc walba way haystaan, mana jeclin in ay shacabkayaga iska hor yimaadaan horana Somaliland ugamay dhicin tan oo kale oo waxa ay ahayd fal budhcadnimo ah.

Mr Jeeni-yare oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaasi raaciyey “Shacabkana waxaan leeyahay hanala shaqeeyaan oo ha lanaga ilaaliyo waxyaabaha noocasi oo kala ee aanay dawladi yeelayn, waxaanan Ilaahay ka baryeynaa in nabad galyada inoo xasiliyo, shalayna ciddii ay wax ku gaadheen Alle ha caafiyo ciddii khaldantay ee dhibtaasi samaysayna, waxaan leeyahay dib ha ugu noqonina kuwo kalana yey ku dayanin,

waxaynu halkaasi ku gaadhanay nabad galyo iyo talo nin tola’ayeey yaa reer hebel ah mar horaynu dhaafnay ee laakiin ninka tolla’ay yaa reer hebel ah qori ku soo qaadanaya isaga iyo ciidanka ayaa is helaya oo isaga ayaa xabad beerka lagaga dhufanayaa, magna yeelan maayo ileen isaga ayaa ciidanka ka horyimide, shalay toolana waa lala saayiray nimankaasi ciddii waxaasi oo kale ku dhaqantana waxaa lala dhacayaa xabada nool, shacabkana ka dul qaadan mayno cid nabad galyadakhalkhal gelisa oo ka dul qaadan maayo walaahi baan ku dhaartee, qorshahayaguna waxa weeyaan in aanu ka hadalno falkaasi budhcadnimada ah ee shalay dhacay Ilaahayna waxaan ka baryeynaa in aanay dib u dhicin waxaas oo kale”
saxilnews.com//hargaysa//office
Hamzabarkhad@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here