USA (SaxilNews):- Madaxweynahii hor ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa lagu wadaa
in 20-ka bishan uu si rasmi ah u wareejiyo Xilka Madaxtinimo, waxaana Xarunta Aqalka Cad kusoo wareegi doona Qoyska Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Qoyska Madaxweyne Obama ayaa bilaabay in ay kasii guuraan Aqalka Cad kana sii qaataan alaabaha yar yar ee halkaasi ka yaalay, waxaana Qoyska Obama ay ku wareegi doonaan qasri weyn oo si qurux badan loogu qalabeeyay.