|
|||||||||
Saxilnews.com
Xulka Portuqal Oo Markale Hantiyey Koobkii Ay Wadamada Yurub Ku Tartameen Ee Nations League+Sawiro
June 10, 2019 - Written by adminHargaysa (Saxilnews.com)-Xulka Portuqal Oo Markale Hantiyey Koobkii Ay Wadamada Yurub Ku Tartameen Ee Nations League+Sawiro Xulka Boortaqiiska ayaa ku guulaystay koobka wadamada Yurub ee loo yaqaano Nations League. Tartankan ay isku arkayaan wadamada Yurub oo sanadkan la bilaabay ayaa ciyaartii ugu dambaysay waxa iskugu soo hadhay wadamada boortaqiiska iyo Holland.
Ciyaarta ay iskaga horyimaadeen xulalka boortaqiiska iyo Holland oo ka dhacday magaalada Porto ee wadanka boortaqiiska ayaa ahayd mid aad u adag iyada oo la saadaalinayey in xulka Orange ay qaadi doonaan koobkan. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay goolal la,aan iyada oo labada xulba ay u suura gali wayday inay goolal u badalaan weeraro badan oo ay isku qaadeen.
COMMENTS
|
Latest News
|