Xulka Eritrea oo Botswana iska dhiibay

0
20

Maxkamad ku taal Botswana, ayaa go’aamisay in toban xubnood oo ka tirsan xulka qaranka Eritrea loo ogolaado in ay dalka joogaan, inta codsigooda magangalyo doon go’aan laga gaarayo.

Wasiirka difaaca Botswana, Shaw Kgathi, ayaa horay ugu adkesytay in dhaqso loo masaafuriyo. Ciyaartoyda oo Botswana u yimid tartanka is-reebreebka ciyaaraha koobka adduunka, ayaa sheegay in ay ciidanka ka tirsan yihiin, ayna wajahayaan dambi qiyaamo qaran hadii la celiyo.

Warbixin dhawaan ay Qaramada Midoobay soo saartay, ayey madaxda Eritrea ku eedeysay in ay sameynayaan dal cadaadis iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha galaya.

Ciyaartoyda, ayaa codsigooda magangalyo doon la dhageysanayaa bisha december.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here