Saxilnews.com
Xukuumadda oo ka hadashay Dhaq-dhaqaaqyo Dowladda Muqdisho ka waddo Buuhoodle
August 19, 2015 - Written by admin

Hargeysa ( Saxilnews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay diyaarado inay maalmihii u dambeeyey isaga dab-qaadeen magaalooinka Muqdisho ee Soomaaliya iyo Buuhoodle, kuwaas oo siday agab gar-gaar ah oo Cali Khaliif hor-boodayey, waxaanay uga digtay dowladda Soomaaliya colaado ay ka huriso deegaanno ka tirsan Somaliland.

 
Xukuumadda Somaliland waxa kale oo ay digniin u dirtay shirkadaha iska leh diyaarado ay sheegtay inaanay oggolaanshiyo ka haysan xukuumada Somaliland oo si sharci-darro ah u fadhiistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle.

 
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay inay xukuuumad ahaan la socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay dowladda Soomaaliya dabada ka riixayso ee ka socda deegaannada Buuhoodle, waxaanu shacabka deegaankaas ugu baaqay inaanay oggolaanin cid kasta oo isku dayday inay waxyeello u geysato nabad-gelyadooda.
“Waxaanu ka xunahay kuwa marka shacabigaasi wax u kordhaanba ka xun ee diyaaradaha ku soo daabulaya saanadda Millateri, maalinta ay u eekaato Buuhoodle meel nabad ah kuwa inta ay soo raraan diyaarad shinad saanad millateri ah keenaya ee halkaas inuu dab ka holco dedaalka ugu jira, waxaanu u digaynaa dawladda Somalia iyo maamulkaas muqdihso, wada noolaanshaha dadka deriska ah ayaa ka khayr badan, colaaddu waxa ay ka khayr badan tahay inay laba dal oo deris ahi noqdaan. Waxaanu idiinka digaynaa in wax kasta oo xumaan ahay xagayaga reeban tahay oo idinkana aanu idinka reebayno, waar gudihiinii ayaad u baahan tihiin inaad nabaddiinii ka shaqaysaane, waa inaad faraha kala baxdaan jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkeeda, inaad faraha kala baxdaan deegaanka Buuhoodle ee maanta nabaddii iftiintay ee ay shacbigoodii maanta u soo jeedsadeen inay wax ka qabtaan deegaankooda oo ay dadkoodana la kaashadaan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
“Diyaaradda timid Buuhoodle ee saanadda millateri siday waxa ay calaamad u tahay colaadda halkaas la doonayo in laga huriyo iyo dabka halkaas la doonayo in laga qarxiyo, meel saanad millateri lagu soo rarayaa ma aha deegaan nabad lala rabo, saanadda millateri ee halkaas la keenayo yaa lagu weerarayaa, garoonku se keebuu noqonayaa, waxaanu uga digaynaa shacabiga Buuhoodle oo aanu leenahay waar nabaddaas iyo iskuuladaas aynu deegaamada Somaliland oo dhan ku haysanno iyo deegaamadaas markii hore colaaddu idinka reebtay hiigsada ee imika iftiintay yaan la xumaynin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

 

 
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Kuwa diyaaraddaas soo raray iyo cidda wadayba waxaanu leenahay oo aan shirkadda diyaaraddaas iska leh uga digaynaa, marka laga yimaaddo maamulkaas aanu la hadalnay iyo garoomada ay ka soo kacday. Waxaanu la hadlaynaa shirkadaha diyaaradahaas iska leh, waxaanu leenahay colaadda qayb ha ka noqonina, qalab loo adeegsado ha noqonina.”

 

 

 

 

 

 

Maxamed xasan aadan

 

 

 

Saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News