Hargeysa (SAXILNEWS)_Wararka naga soo gaadhay qasriga Madaxtooyada Siilaanyo ayaa sheegay inuu is-maandhaaf soo kala dhex-galay Waftigii imaraadka Carabta iyo madaxtooyada, kaas oo sababay inuu saaka dib u dhaco mashruucii dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay maalintii shalay ahayd xukuumadda siilaanyo iska- casileen masuuliyiin tiro badan, balse ilaa hadda si dhab ah looma garanayo wuxuu daaranyahay khilaafka hakiyey saaka dhaxal wareejintii buurta Gacan-libaax ee soo kala dhex galay xukuumadda laga haajiray iyo waftigii ka socday imaaraadka carabta.
Dhanka kalena wararka ka imanaya degmada Go’daweyn iyo buurta Gacan-libaax ayaa sheegaya inay hadda ka soo xadhko xidhanayaan ciidamadii lageeyey degaankaa, kuwaas oo horay loogu talogalay inay cududa lagu dhaxal wareejinayo buurta Gacan-libaax qayb ka noqdaan.
Si kasatba ha ahaatee waxa saaka baaqday dhaxal wareejintii buurta loo dalxiiska tago ee Gacan-libaax, taas oo ay xukuumadda laga hayaamay ku wareejin lahayd masuul ka tirsan imaraadka carabta
taasi oo salka ku haysa qaskaa ka dhex abuurmay xisbiga talada haya ee kulmiye io xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne siilanyo.
saxilnews005@gmail.com