Saxilnews.com
XUKUUMADA SOMALILAND OO SHAACISAY QIIME GO’AN OO LAGU IIBIN KARO SHIIDAALADA NAAFTADA IYO PATROL-KA
February 11, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com):-Xukuumada somaliland ayaa qiime go’an oo lagu iibin karo u samaysay Naaftada iyo baatroolka

Shir ay albaabadu u xidhnaayeen oo dhex maray wasiiro ka tirsan xukuumada iyo ganacsatada keenta shiidaalka ayaa layskula qaatay qiimaha lagu iibin karo shiidaalada kala duwan.

Wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska somaliland Maxamuud Xasan Saajin oo markii kulankaasi soo dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay kulanka ay la qaateen ganacsatada shiidaalka waxaanu yidhi “Markii aanu isku nimid anaga oo eegayna danta dadweynaha, si fiican ayaanu wada hadalnay waxaana meesha ku jiray laba shay kuwaas oo kala ah, qiime kordhin ay sameeyeen dadka shiidaalka keenaa iyo mid ay kordhiyeen

dadka kaalmaha wax ku iibiya, dadka shiidaalka dibada ka keenaya suuqa ayaa keenay inay qiimaha kordhiyaan laakiin dadka kaalmaha ku iibiya maanu arag wax daruuri ka dhigaya inay qiimaha shiidaalka kordhiyaan, iyagana waxaanu ku nidhi wax ka tanaasula, waxaanan meesha ka saaraynaa kordhinta ay sameeyeen dadka kaalmaha wax ku iibiyaa.”

Wasiirka ganacsiga oo soo bandhigaya qiimaha lagu iibin karo shiidaalada kala duwan ayaa waxa uu yidhi “Maanta laga bilaabo halka litir ee naaftada ah waxa lagu iibin karaa 7200 shilinka somaliland ah, korna uma dhaafi karto, Patroolkana 8200 shillionka somaliland ah koru ma dhaafi karo, halkii maalmahan lagaga iibiyey naaftada 7500, Patroolkana 8500, ganacsatadana way ku mahadsan yihiin sida fiican ee ay wax noola qaateen.

COMMENTS
Latest News