Saxilnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashey Maareeye Ku-Xigeenkii Telifiishanka Qaranka Oo Moqdisho Ka Degay .
November 19, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Maareeye ku-xigeenkii telefishanka qaranka Somaliland Mustafe Maxamuud Qodaxayaa ka degay magaaladda Muqidho ee dalka Somalia, halkaas oo la sheegay in ay uga yeedheen maasmulka xamar oo xilal u ballan qaaday.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, ayaa sheegay in uu u sheegay markii uu hargeysa ka baxayey in uu jabuuti u tegayo aroos, balse loo sheegay in uu magaaladda Muqdisho tegay wax war ah oo intaasi dhaafsanna aanu ka helin.

Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya “Waxa uu igu yidhi Jabuuti ayaan u socdaa oo aroos ayaan tegayaa in uu muqdisho tegayna waan maqlay” ayuu si kooban u sheegay wasiir caddaani oo aan wax ka waydiinay arrintan maareeye ku xigeenka mustafe qodax.

Mustafe Maxamuud Qododax, ayaa ahaa masuuliyiintii uu madaxweynaha somaliland u magaacaabay maamulka Telefishanka qaran, ka dib markii uu ka soo baxau xisbiga waddani oo uu ka tirsanaa ka hor xilka loo magacaabay ee uu hadda uga tegay muqdisho.

Maareeye ku xigeenkii Telefishanka qaranka Somaliland Mustafe Maxamuud Qodox, ayaa la sheegay in uu maalintii Arbacadii u amba baxay magaaadda muqdisho, isla markaana ay u yeedheen maamulka xamar oo u ballan qaaday xilal ay doonayaan in ay uga dhiibaan maamulkooda.

Mustafe maxamuud Qodax, ayaa n ahayn masuulkii u horreeyeye ee xukuumadda somaliland ah ee isaga oo xil haya ka dega muqdisho, waxaana hore u tegay garyaqaankii guud ee qaranka somaliland oo hadda ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee somalia.

Source:- Saxansaxo

 

COMMENTS
Latest News