Saxilnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Kheyraadka Wadanka Sheegtayna……
November 19, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Jamhuuriyada
Somaaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dib u bilaabayaan shidaal qodistii ka socotay wadanka.
wasiirka-macdanta-iyo-tamarta

Waxaanay sidaasi ka sheegeen mar ay maanta warbaahinta kula hadlayeen gudaha magaalada Hargeysa.

 Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Mudane Xuseen Axmed Ducaale oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa faahfaahin ka bixiyay shidaal qodista ay wadanka ka sameynayaan waxaanu yidhi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya “hishiiskan aanu maanta halkani ku saxeexnay mudo dheer ayaa laga soo shaqeynaayay, waayo hawshan shidaal qodistu waxaa ay hakad gashay sanadkii 2013-kii, waxaananu maanta ku guuleysanay inay shirkadii baadhista shidaalku ku soo noqoto Somaliland, si mug iyo miisaanlehna u soo noqoto waana talaabo aad u mihiima oo u soo kordhay qaranka Somaliland”

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxaa uu cadeeyay inaanay shirkado gacanta ku heyn mashruucan balse iyagu ay gacanta ku hayaan masuula ay ka yihiin waxaanu yidhi “wasaaraduna waxaa ay ku hawlan tahay sidii ay u qodi laheyd shidaalka wadanka ku jira, mashruucanina waa mashruuc wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ay hageyso masuula ay tahay oo aanay shirkadi wadin wasaarada macdanta iyo tamarta ayaa mashruucan wada oo masuul ka ah, shirkadan JBG anaga ayay noo shaqeyneysaa waananu ku kormeeraynaa,

Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta ayaa ka hadlay faa,iidada qaranka Somaliland ugu jirta mashruucan shidaal baadhista ee ay dhawaan bilaabi doonaan waxaanu yidhi  “Shidaalkani sahamintiisu dhawaan ayuu wadanka ka bilaabmayaa, waanad aragtan xaalada wadanka oo abaar ayaynu ku jiraa, waxyaabaha abaaraha lagaga baxo cimiladii oo isbadeleysa ayaa ka mida waayo waa in kheyraadka wadanka ku duugan lala soo baxaa, oo aynu biya xidheeno sameysano wadankana kheyraadka intiisa kale aynu la soo baxnaa waa hishiiskii ugu horeeyay ee wadankani uu la galo cid mudo dheer”

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News