Saxilnews.com
Xukuumada Somaliland Oo 11-Gaadhi Oo Raashina Ka Gudoontay Dawlada Jabuuti + Sawiro
February 19, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews)  Waxaa saaka mina subaxdii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland  11-gaadhi oo nooca loo yaqaano waraadka ah, kuwaasi oo siday raashin ay dawlada Jabuuti ugu deeqday dadka ay abaaruhu naafeeyeen ee reer Somaliland .

Gaadiidkan raashinka deeqda ah siday oo lagu xareeyay xaydaabka Kastanka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa  masuuliyiintii raashinkan waday oo uu hogaaminayay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland kala wareegay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiintii madasha ka Hadley ay siweyn ugu mahad-celiyeen madaxda dalka Jabuuti ee deeqdani soo direy.

Iyaga oo ku hanbalyeeyey sida jaarnimada iyo dadnimada leh ee ay uga soo qayb qaateen, taakuleynta dadka abaaruhu saameeyeen ee ku kala sugan gobolada Somaliland .

Gaadiidkan oo siday raashinka noocyadiisa kala duwan sida,Bariis, Baasto, Timir, Daqiiq iyo Caano, sonkor iyo boorash

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News