Saxilnews.com
XUKUUMADA SOMALILAND IYO WADAMADA TAAGEERA SDF OO KA WADA HADLAY QORSHAHA HORU MARINTA 2AAD
February 21, 2018 - Written by editor

Hargaysa(saxilnews):-Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL  Maxamed kaahin Axmed  ayaa Maanta Si  rasmiya U  Furay  shirka  Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga (Good Governance Sector) kaasi  oo Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Shirkan  Oo Ay Kasoo Qayb Galeen  Wasaaradaha Arrimaha  Gudaha, Wasaarada Cadaalada , Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuurka , Wasaarada Arrimaha Dibada , Ciidanka Boliska , Ciidanka Socdaalka ,  Dab-Damiska, Waxaaha Ku  Shaqada Leh  Maamul Wanaaga Ee Wasaarada  Arrimaha Gudaha Iyo Dhamaan Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga.

Dhanka Bulshada Caalamka (International Community ) Waxa

Matalaayay   Masuulka Ugu Sareeya  Safaarada Engiriis , Madaxa Haayada Danida  ,  Iyo Waliba UN SOM, UNDP, UN-HABITAT, EU REPRESENTATIVES, MAX PLANCK, German, Civil Sociaty Iyo Dhamaan Hay’adaha Dawlada Ee Ku Midoobay.

Hadaf Ka Ugu Wayn Ee Shirku Waxa Uu Ahaa In Laysku Xog Waraysto oo Laysla Gorfeeyo Lagana  Wada Tashado Sida Ugu Haboon Ee Ay Bahwadaagtu U Fulin Lahayd Qorshaha Horumarinta Qaranka Qaybta Labaad(National Development Plan II)  Iyo Doorka Ay Ka Qaadan Karaan Bulshada Caalamku Fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka  (National Development Plan)

Shirkan  oo  qaatay   saacado  kooban  ayaa  kusoo dhamaaday jawi  qurux badan waxaana la isla  qaatay   sidii loo hir galinlahaa  tayeynta iyo kor u qaadida  Maamul Wanaaga.

 

COMMENTS
Latest News