Saxilnews.com
Xukuumada Iraan Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Dirtay Dalka Mareykanka
February 20, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Iran (Saxilnews):- Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan, Javad Zarif ayaa Mareykanka u sheegayin uu joojiyo handadaadda uu dalkiisa ku hayo.

Javad Zarif wuxuu maamulka Trump ku eedeeyay in uu isku deyayo inay daandaansadaan Iraan si cunna qabateyn ay u saaraan.

 

Wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu BBC-da wareysi gaar ah siinayay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Javad Zarif, ayaa sheegay in Trump uu kicin sameynayo ka dib gantaal ay Iran dhowaan tijaabisay oo caag ahaa.

Wuxuu u digay Mareykanka oo uu u sheegay in aysan cunna qabateyn saari karin xukuumadda Tehran.

Zarif ayaa tilmaamay in tallaabo la mid ah ay qaadidoonaan, haddii xayiraad lagu soo rogo.

Mr Zarif wuxuu ka qeybgalay kullankii amniga ee Munich.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa Iraan ku tilmaamay “maalgeliyaha ugu sareeya ee argagixisada”.

Iraan oo heshiis kula jirta maamulkii Obama ayaa hadda u muuqata inay si weyn isaga soo horjeedaan maamulka Donald Trump.

COMMENTS
Latest News