
Xoghayaha ayaa waxaa uu goobtan uu Sarta fooqa ah ka dhisanayaa ay tahay xaafada Masalaha gaar ahaan dhinca soo xigta xafada Sinay waxaana uu xilka dawlada hoose uu hayey muddo 9 bilood ah iyada oo la magacaabey 10.03.2016 isga oo xilka la wareegay isla bishaas .
Muddane Darajo ayaa sidoo kale marka aynu tariikhdiisii hore dib ugu boqono waxaa uu hore u ahaa Macallin iyo maamule iskuul hoose dhexe oo la yidhaahdo Al-Huda
Sidoo kale waxaa iyaduna aanu suurto gal aheyn ama aanay muuqanin inuu hore u xoogsaday lacagta lagu dhisayo fooq dhawr dabaq ah oo ku yaalla goobaha Hargeysa ugu dhul qaalisan sababta oo ah iska da,aa aqal uu dhistee waxaa uu ku jiray markii hore aqal kiro ah oo ku yaalada xaafada Siinay ee degmada Axmed Dhagax .
Dhinca kale shabakada Ilaysnews.com oo dabo gashey qadarka lacageed ee uu siistay jagadan waxaa loo soo sheegay in uu ku gatey lacag qadarkeedu dhan yahay $ 36000 (Lix Iyo Sodon kun oo Doller ).
Si Kastaba ha ahatee markaad akhriste is bar bar dhig ku sameyso hantidii lacageed iyo shaqadii uu hore uga shaqeyn jiray Muddane Darjo surto gal ma tahay in muddo 8 bilood ah uu ku dhisto aqal fooq dabaqyo .
Arintaasi ma u muuqan kartaa inay jiraan musuq maasuq iyo isdabo marin lagu sameeyey hantidii umada ee uu masuulkani masuulyadeeda hayey
Fiiro Gaar Ah : La Soco Qeybaha Danbe iyo Muuqaalka aqalkan







