Hargiesa(Saxilnews)Maayarka Iyo Ku-Xigeenkiisa Caasimad Hargeysa Ayaa Tan Iyo Intii La Doortay Si Kukcay Musuq-Maasuq Ballaadhan
Iyagoo Goobo Badan Oo Dan Guud Ah Oo Weliba Muhiim Ahaa Xaraashay Sida Khariydii Magaalada Hargeysa Oo Uu Iibiyey Maayarka Magaalada Hargeysa C/Raxmaan Solteko Isagoo Ka Iibiyey Nin Ay Ilma-Adeer Yihiin Oo Ka Dhigtay Goob Laga Cunteeyo Oo Maqaaxi Ah,Waxaan Xusid Mudan In Hadda Uu Maayarka Hargeysa Kaalintii Shidaalka Ee Dowlada Hoose Ee Hargeysa Iibiyey Isagoo Ka Xaraasha Nin Kale Oo Isku Beelyihiin Oo Lagu Naanayso Dheereeye,Waxaase Xusid Mudan In Lacagahaas Badi Jeeebka Ku Shubtay Mayarku Isagoo Qadar Lacageed Ka Siiyey Ku-Xigeenkiisa Iyo Xubno Kale Oo Calooshood U Shaqaystayaal Ka Tirsan Golha Degaanka Hargeysa Ah.
Dhanka Kalena C/Casiis Caga Weyne Oo Ah Maayar Ku-Xigeenka Hargeysa Ayaa Hadda La Sheegay In Uu Iibiyey Geerashkii Gaadiidka Dowlada Hoos Ee Magaalada Hargeysa,Isagoo Gacan Ka Helay Maayarka Caasimada Waxaana La Sheegay In Nin Gacansada Ah Ka Iibiyey Oo Uu Ka Siiyey Lacag Kor U Dhaafaysa 1 Milyan Oo Dollar,Taas Oo Dhammeenteed Jeebkiisa Ku Shubtay,Waxaana La Sheegay In Uu Iska Bixiyey Badh Dayn Lagaga Lahaaa Fooq Dhawr Dabaq Ah Oo Uu Ka Dhistay Xaafada Masalaha Magaalada Hargeysa.
Si Kastaba Ha-Ahaatee Maayar Ku—Xigeenka Hargeysa Ayaa Xaraash Xaruntii Geerashka Gaadiidka Dowlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa,Isagoo Gacan Ka Helay Mayaarka Magaalada Hargeysa Oo Isku Bahaysteen Boobka Hantida Ummadda..
Xigasho Barkulannews.Com







