Saxilnews.com
Xisbiga WADANI Oo Magacaabay Xilal Kala Duwan Oo Xisbiga Dhexdiisa Ah.
January 31, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-

uddoomiyaha Xisbiga WADANI, Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa magacaabay xilal kala duwan oo Xisbiga dhexdiisa ah. Kuwaas oo ay kamid yihiin Xoghayaha Beeraha ee Xisbigaas oo uu u magacaabay Aadan Ruush, sidoo kake wuxuu Magacaabay xilal Guddoomiyayaal Gobol. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu Guddoomiyuhu ku saxeexanyahay oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com, waxayna u dhignayeen war saxafadeedaasi sidan.

ciro

Ref/XIS/WAD/XDH/189/ 015 Date, 01/31/ 2015

KU: Aadan Maxamed Diiriye Cali =Hargeysa=
OG: Xoghayha Guud ee Xisbiga WADDANI​​​​​ =Hargeysa=
OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI​ ​​ =Hargeysa=

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Markan darsay:​​Qod 28 ee Xisbiga WADDANI

Markan Arkay: ​​Baahida loo qabo In la buuxiyo jagada Xoghayha Beeraha
Ee Xisbiga WADDANI

Markan la Tashaday: ​Xubnaha hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markan ku Qancay: ​​Waayo Aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Mudane Aadan

Waxaan Maanta oo taariikhdu tahay 31/01/2015 Hogaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Aadan Maxamed Diiriye Cali (Aadan Ruush) uu noqdo Xoghayaha Beeraha ee Xibiga WADDANI

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo biirin doono xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah iyo in uu ku soo kordhin doono waayo aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.

Alla Mahad Leh

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI.

JAMHUURIYADA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga WADDANI Somaliland National party

Ref/XIS/WAD/XDH/191/ 015 Date, 01/31/ 2015

Ku: Md.Siciid Muuse Cabdi (Bustaale ) =Hargeysa=
Ku: Md. Maxamed Axmed Cabdiraxmaan =Hargeysa=
Ku: Md. Mawliid Muuse Dacar =Hargeysa=
Ku: Md. Khadar Jamaal Maxamed =Hargeysa=
Ku: Mahad Xaaji Faarax Axmed =Hargeysa=
Ku: Cabdishakuur Xuseen Cabdi ​​ =Hargeysa=
Og: Xoghayha Guud Ee Xisbiga WADDANI​​​ =Hargeysa=
Og: Guddda Fulinta Xisbiga WADDANI​ ​​ =Hargeysa=

Ujeeddo: Magacaabis Xilal

Markaan Darsay: Qod 28 Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay: Baahida loo qabo In la buuxiyo Xilaalka Xisbiga ee
Gobolka Maroodijeex

Markaan la Tashaday: ​Hogaanka Xisbiga

Waxaan Maanta oo taariikhdu tahay 31/01/2015 markaan tixgelinay soo jeedinta Guddidi uu magacaabay Gudoomiyuhu taas oo tixraaceedu ahaa Ref/XIS/WAD/XDH/1178/ 014 ee Dec.12/2014
Waxaa Hoggaanka Xisbigu u magacaabay Xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Guddida Gobolka Maroodijeex.
Xubnaha Guddida
No
Magac
Xil
1
Siciid Muuse Cabdi (Bustaale )
Gudoomiye Gobolka
2
Maxamed Axmed Cabdiraxmaan
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad
3
Mawliid Muuse Dacar
Gudoomiye ku Xigeenka 2aad
4
Khadar Jamaal Maxamed
Gudoomiye ku Xigeenka 3aad
5
Mahad Xaaji Faarax Axmed
Xoghayaha Gobolka
6
Cabdishakuur Xuseen Cabdi
Khasnajiga Gobolka

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in ay ku soo biirin doonaan xisbiga WADDANI fikirado wax ku ool ah iyo in ay ku soo kordhin doonaan waayo aragnimadooda iyo khibradoodaba ay u leeyihiin la dhaqanka dhaliinyarada Gobolka Gebiley ee Xisbiga WADDANI ay gaadhsiin doonan horumar.

Alla Mahad Leh
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

COMMENTS
Latest News