Saxilnews.com
Xisbiga Ucid Oo Maanta Dooran Doona Musharaxiinta Doorashada Madaxtinimo Iyo Cida La Filaayo In Ay Noqoto Musharax Madaxweyne Ku Xigeen
November 9, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeya (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu maanta doorandoona musharax madaxweyne iyo ku xigeenkiisa doorashada la filaayo in ay dalka ka qabsoonto 2017 uga qeyb gali doona .

Shir aan caadi aheyn oo garabka gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe uga furmey shalay magaalada Hargeysa ayaa lagu dooran doona murashixiintaas waxaana xusid mudan in gudoomiye Faysal uu sheegay in uu musharax yahay balse waxaa ilaa hada aan la saadalin karin cid u noqon doonta ku xigeen iyo aad loo sadaalinayo in uu noqon doono siyaasi ka soo jeeda gobalka Awdal gaa ahaan beeshii madaxweyne Daahir Riyaale (Samaroon / Makahiil Dheere / Jibriil Yoonis

Dhinca kale waxaa xusid muddan in gaabka Jamaal Cali Xussen ay shir aan caad aheyn iyaguna ku qabsadeen geed hoostii ka dib markii loo diiday in ay hotelada xaflad u qabsadaan waxaana garabkaasi isla shalayba doortay Musharax iyo gudomiye cusub oo ku meel gaadh ah .

COMMENTS
Latest News