Saxilnews.com
Xisbiga Kulmiye Oo Jabiyey Go,aan Uu Hore U Soo Saaray
November 20, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa waxaa uu beeniyey islamarkaana uu jabiyey balan iyo go,aamo hore uga soo baxay xarunta xisbigaasi .

Dhawaan ayuun baa ay aheyd markii xisbiga Kulmiye uu soo saaray go,aan uu ku sheegayo in uu gabi ahaanba xisbigu joojiyey munaasibadihii soo dhaweynta ahaa ee uu u qaban lahaa tageerayaasha ku soo biira xisbiga iyaga oo sabab uga dhigay abaarta dalka ka jirta awgeed .

 Maalintii uu go,aankaas xisbigu soo saaray oo laga joogo muddo ku dhaw laba ilaa saddex todobaad  ayaa gabi ahaanba aanu xisbigu dhaqan galin go,ankaas uu soo saaray waxaana uu ugu yaraan laba jeer uu intii ka danbeysay go,aankaas xisbigu xaflado soo dhaweyn ah u sameeyey tageerayaal ku soo biiray

Xafladahaasi uu xisbigu u sameeyey taagerayaasha waxaa ugu danbeysay mid uu maanta u sameeyey tageerayaal ka soo jeeda bariga gobalka Sanaag

COMMENTS
Latest News