Hargaysa (Saxilnews.com)-Waxaan kusoo qaadaynaynaa qoraalkeenan kooban waa kuma wasiir xirsi cali Xasan wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland waxaa hore sidoo kale u ahaa Chief Of Cabinet Madaxtooyada Waxaa Kale oo uu hore uhaa wasiirkii wasiirada dawlada siilanyo
Waxaa kale oo uu ahaa sarkaal ka tirsan komishinka doorashooyinka Somaliland waxaa kale oo uu ahaa ninkii kaliya ee horjoogaha u ahaa xisbiga kulmiye ama muraaqibka hadana waa hogaamiyaha awooda cusub ee Xisbiga wadani
Xirsi waxaa ahaa shakhsiyaadkii sida axmaqnimada ah u afganbiyey golihii wasiirada Somaliland gaar ahaana kooxo ka talo qaadan jiray waxa kale oo ahaa nin kursi jecel hogaamin jecel reer jecel qabyaalada jecel siyaasada aanu aqoon jecel taasina waxay keentay inuu hal mar ka tanaasulo xilkii qaranku u igamaday oo ahaa wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland taaso aanu umeel dayin halka uu gacanta dhigi doono balse oo ka cadhoodayo kaliya rag kaga awood batay dhanka siyaasada dawlada taasina ay keentay inuu xirsi seefta la boodo ileen tiirkii dulqaadka siyaasada ayaa maqane
Intaasi kadib waxaa abuuray koox la magac baxay Garabka Isbedel Doonta Siyaada Dadkuna ay ugu yeedheen Kooxaha Barakacayaasha Siyaasada )wakhigan ka mid noqotay bahwaynta wadani balse taasi basle aan ilaa hada la saadalin Karin waxayaabah ay kusoo kordhin karaan xisbigaasi aan ahayn khilaaf iyo is qabqasi bilaami doona sida ka muuqatay shirwaynihii xisbiga ee maalmihii aynu soo dhaafnay ka qabsoomay magaalada hargaysa
Waxaa kale oo jirta hadalo dhalinyaranimo ka muuqato oo saxaafada uu mariyo hogaamiye Xirsi kuwaasi oo intooda badani umuuqata aflaago iyo dagaal qaawan ku qaaday shakhsiyaadka ku loolamayaan siyaasada waxaanay arintani tusaale u tahay salfudaydka iyo siyaasad yarida xirsi
Waxaa kale oo jirta xirsi waa shakhsi aragiisa iyo maqalkiisuba uu ku yahay shacabka Somaliland balse doonaya inuu is barbar dhigo ama baalsocdo rag kaga waayo aragsan dhanka siyaasada iyo waayo aragnimadaba taasina waxay keentay inuu Mr Xirsi kor isu tiriyo ama uu isu fahmo siyaasi tagay maaha siyaasada iyo hal adaygnimadu inaad ku dayato mooye inaad is barbar dhigto maaha dadka siyaasada kaaga horeeyey
Waxaa cid walba u cad inuu xirsi ka mid aha shakhsiyaadkii ugu musuq maasuq iyo qabyaalada badanaa Somaliland isla markan keenay in xukuumada siilanyo dadku ay nacaan kala qoqobka iyo raadka qabyaalada ee uu abuuray wasiir Xirsi waxaan xusuustaa wasiir xirsi inuu ahaa Ragga sida cad ula badheedha arimaha qabyaalada ama reernimada kuna quudiya shakhsiyaadka ay haybta wadaagan waxaa la xusuustaa inuu xirsi sidoo kale kala dilay beelaha uu kazoo jeedo kadib markii uu qabyaalad qaawan ka dhex bilaabay aryadaayada ay dabwadaagta yihiin isagoo ukala saaraya Adiga Ayaa Reer Hebel Ah Iyo Adiga ayaa Reer Hebel ah taasi waxay keentay inay xukuumada Somaliland loo tiriyo xukuumad qabaalada dhiirigelisa balse ay balaayada iyo xunsuriyadu tahay wasiirkii hore madaxtooyada waxa uu wheel u ahaa musuq inkastoo aan la dafirayn laamiyada uu dhisay hadana waxaa jirta arimo aasan oo ahaa ’’ mashaariicda mashaariicda Saaran ‘’
Oo lagu lunsanayey hanta fara badan waxaa sidoo kale ahaa hogaamiye kooxo qabyaaladeed iyadoo ay dhici karto hadii aad suaal waydiiso in lagu shir qooli karro ama lagu dili karro Alla wax Dillee waxaanay sifo xun u tahay tilaamihiisa gaarka ah waxaa kale oo jirta inuu xirsi hab qabiilaysan ku duufsaday dhalinyaro aad utiro badan oo kasoo jeeda beesha Axmed Faarax ee uu kasoo jeedo balse hadana waxaa tilmaama wasiir xirsi inuu tahay nin nadiif ah oo tageeryaal watta balse maaha ujeeda koowaad ee kafliftay inuu xirsi ka mid noqdo wadani waxaa weeye aad kamid noqotid xukuumada danbe si aad halkii ugu sii wadato boobkii iyo musuq maasuqii bulshada masaakiinta ah
By : Geel Aw Aadan
Dalxiis001@gmail.com