XILDHIBAAN HORE UGA TIRSANAA BARLAMANKA KENYA OO GURIGIISA LAGU DHEX TOOGTAY.

0
16

Berbera (Saxil News)-

Xildhibaan hore oo ka tirsanaa golaha baarlamaanka dalka Kenya, Philip Godane ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Syokimau ee gobolka Machakos ee dalka Kenya.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo aan la garanayn ay ugu dhaceen gurigiisa 2:00 habeenimo ee xalay waqti ay isaga iyo qoyskiisuba jiifeen dabadeedna ay ku fureen xildhibaankan hore rasaas, taasoo keentay inuu iska goobta ku dhinto.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan qoyska, balse markii ay iska-caabin kala kulmeen ay toogteen oo dileen Godane.

Philip Godane ayaa wuxuu ahaa sayga ay u dhacdo

Kule Galma oo ahayd guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinkii deegaanka uu dilku ka dhacay.

Dilkan ayaa wuxuu deegaanka Syokimau ka abuuray xiisad kacsanaan ah; iyadoo shacabku ay dibadda u soo baxeen, xilli ay ka cabanayaan inay xaaladda ammaan ee deegaankoodu noqotay mid aad u sii xumaanaysa.

Taliyaha booliiska gobolka Machakos, Gideon Amalla ayaa saaka booqday guriga xildhi-baanka hore ee la dilay, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuu uga tacsiyeynayo qoyska dilka Godane.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa dilka xildhhibaankan hore P. Godane oo laga soo dooran jiray deegaanka Moyale, Alle waxaan ka baryay inuu qoyskiisa ka caawiyo murugada lasoo gudboonaatay,” sidaa waxaa yiri Ukur Yatanni oo ah guddoomiyaha deegaanka Marsabit.

Yatanni ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay in laga hortago kooxaha dilka ka geysanaya deegaannada ku dhow xuduudaha, wuxuuna xusay in dilkan uu qayb ka yahay falal amaan-darro oo ka dhacayay gudaha dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here