Saxilnews.com
Xildhibaan Golaha Guurida Ka Tirsanaa Oo Maanta Aas Qaran Hargeysa Loogu Samaynayo
November 22, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Alle haw naxariistee waxa salaasada oo maanta ah xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasi doonaa marxuun xildhibaan Ibraahin Aw Nuur Jiciir oo kamid ahaa  odayaashii kaalinta wayn kasoo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland oo muddo sano ah ku xanuunsanayay magaalada hargeysa oo uu ku geeriyooday.

Marxuun Ibrahain Aw Nuur Jiciir muddo laba sano ka hor ah ayuu iska casilay xubinimadii aqalka odayaasha (guurtida) oo uu sheegay inaanu xanuun dartii u gudan Karin waajibaadkiisa shaqo,waxaana buuxiyay booska golaha guurtida wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Muuse Ibraahin Nuur, kaasi oo hadda kamid ah golaha guurtida Somaliland.

Alle haw naxariistee waxa uu marxuunku door wayn kasoo qaatay nabadayntii beelaha iyo hubka dhigistoodii iyo waliba dhismihii dawladnimada jamhuriyadda Somaliland.

COMMENTS
Latest News