Saxilnews.com
Xiisado Isir ku Saleysan oo ka Jira St. Cloud, MN”””’
August 18, 2015 - Written by admin

Minnesota (Saxilnews.com)-Xiliyadii u dambeeyey magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxa ka jiray xiisado dhinaca isirka ku saleysan, kuwaas oo u dhexeeya bulshada Soomaalida iyo dadka caddaanka ee gobolka horay u degenaa.

Dhibaatooyinka ilaa hadda la soo sheegayo waxa ka mid ah in baabuur ay dad Soomaali ahi leeyihiin la burburiyey.

Madaxda magaalada ayaa kulan la qaatay bulshada Soomaalida, waxayna ballan qaadeen in xiisadda ay wax ka qaban doonaan.

Yuusuf Xaaji oo ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee magaaladaas ayaa saxilnews uga waramay dhacdooyinkii u dambeeyey.

COMMENTS
Latest News