Saxilnews.com
Xeebta Bariga Ee Magaalo Xeebeda Berbera Ayaa Liqday Gaadhiga Ay Wasaarada Caafimaadku Leedahay
February 5, 2015 - Written by admin

Gaadhi Ambalasa Oo ay Wasaarada Caafimaadku Leedahay ayaa Shalay Gelinkii Danbe Ku Limaday Xeebta Bari ee Berbera Gaar Ahaana Halka Ay Iska Galaan Dooxa Biyo Guure Iyo Bada Bataale ayaa Liqday Gaadhiga Gurmadka Ded dega Ah Ee Ka shaqeeya deeganka laasciidle kadib markii uu xeebtaasi soo maray shalay goor gaaban isagoo sida Dad Xanuusanaya oo uu kula cararayey Cuspitaalka Degmada Berbera Balse ay liqday Xeebtaasi kadibmarkii ay soo caarid noqotay

Mamulka Degmada Berbera Iyo Maamulka Caafimaadka Gobolka Saaxil iyo Haayada Hpa  ayaa Ilaa Xalay Saqdii Dhexe Ku hawlanaa Qodida Baaburkaaasi inkastoo loo taag waayey hadana xalay waxaa mar kale loo dalbaday gaadiidka waiishashka Dawalada Hoose Ee Berbera,

Maayarka Magaalada Berbera C/shakuur Maxamuud Xasan ayaa Sheegay Inay Wadayaan Tan Iyo Inta Ku Guulaysanayaan sabata Bixinta Baaburkan oo ahaa Noocii Cusbaa Ee Uu Madaxwayanaha Somailand Axmed Maxamuud Siilanyo Ku Deeqay Deeganka Laasciidle

Ilaa hada laguma Guulaysan sabata bixinta baaburkan balse waxaa lasoo daad gureeyey dadkii xanuusanayey

COMMENTS
Latest News