Xaaladda Abaareed Ee Ka Jirta Gobolka Daadmadheedh Oo Meel Adag Maraysa+Xukuumadda Somaliland Iyo Guddiga Abaaraha Heer Qaran Oo Indhaha Ka Qarsanaya Iyo Dadka Oo Inay Dhintaan Qarka U Saaran  

0
14
Hargeysa(Saxilnews)Xaaladda abaareed ka jirta deegaanada gobolka Daadmadheedh ayaa waxay wakhti xaadirkan maraysaa meel aad u adag oo u baahan In gurmad deg deg ah iyo taakulo bini’aadamnimo loo fidiyo dadka deegaanadaasi ku dhaqan.

Dadka deegaanada gobolka Daadmadheedh ku dhaqan oo ah dad xoolo dhaqato ah isla markaana ay abaartu ka cadhaysay xoolihii ay dhaqan jireen ayaa waxa abaarta lasoo daristay u dheer oo wahel u ah biyo la’aan,Cunto la’aan,hoy la’aan iyo waliba xanuuno kala duwan oo la daris noqday dadkaasi ay abaaruhu halakeeyeen.

Waxaana xanuunadan soo ritay dadka ay abaartu halakaysay kamid ah xanuunada Shuban-biyoodka oo isagu faro baas ku haya dadka ay abaaruhu caydheeyeen ee ku dhaqan deegaanada gobolada bariga Somaliland isla markaana galaaftay oo sababay dhimashada dad badan iyo waliba xanuunka Jadeecadda oo la sheegay inuu aad usoo ridey caruur badan oo ku dhaqan deegaanada sababay-na  inay dhul jiif ahaadaan.

Xukuumadda Somaliland iyo  guddiga Abaaraha heer qaran ayaa iyagu ka gaabsaday indhahana si badheedha uga qarsanaya dhibka ,rafaadka,daranyada,diifta iyo waliba xaaladda adag ee ay abaartu sababtay ee ka jirta deegaanada gobolka Daadmadeedh isla markaana ay la il daran yihiin dad badan oo xoolahoodii ay kal leedeen,waxaana guddiga abaaruhu ay iska ilaaween indhahana ay ka qarsadeen isla markaana u muuqda kuwo aan dhag jalaq u siin baaqyada is daba jooga ah ee kasoo baxaya dadka ay abaaruhu sida xun u saameeyeen ee ku aadan  in ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah oo lasoo gaadhsiiyo si ay uga samata baxaan abaarta baahsan ee ku dabada dheeraatay.

Guddiga abaaraha heer qaran ee loo wakiishay inay gurmad iyo taakulo la gaadhaan dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada gobolada Bariga Somaliland ayaa u muuqda kuwo ka gaabiyey shaqadii loo igmaday iyaga oo kaga mashquulay dano gaar ah oo ay leeyihiin.

Gabagabadiina dadka ku dhaqan deegaanada gobolada bariga Somaliland oo u badan dad xoolo dhaqto ah isla markaana ay abaartu ka leeday xoolihii ay dhaqan jireen ayaa waxay u baahan yihiin gurmad deg deg ah si ay uga samata baxaan abaartan baahsan ee ku dabada dheeraatay.

 

1 

 

 

Ramaasnews-desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here