Saxilnews.com
Xaaji Cabdi Waraabe Oo Dhaliilay Salaadiinta Is Cumaamaday Ee Sii Badanaaya
February 4, 2015 - Written by admin

Hargaysa(Saxilnews.com)-

-Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Cabdi Waraabe ), ayaa dhaliilay salaadiinta wakhtigan ee iyagu si cumaamada, waxaanu ku tilmaamay mida keentay in ay koonfurta Somaliya burbursanaato.

Sida oo kale Xaaji Cabdi waxa uu fariin u diray suldaanka buuraha galay, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu yidhi “Ninkii meel joogaaba haduu cumaamad qaato oo uu yidhaahdo suldaan baan ahay waa waxa ay koonfruri ku baaba’day, suldaannimadu nin u qalma oo la doortay oo loo shiray oo laba walaalo ah ka yar ayaa miir roon la yidhaahdo oo la saaro ayay ahaan jirtay, imika nin waliba isagaa is boqray, wakhtiga ayaa wada ee yaanay ceeb noo qaadan, laakiin nin suldaan ah oo qori qaatay caruurta ayaan laynayaana yidhi ka bari,gudaha iyo ka galbeed toona ma ogalin.”

 

berbera2002@gmil.com

COMMENTS
Latest News