Saxilnews.com
Wiil Soomaaliyeed Oo Loo Ogolaaday Inuu Tukado Salaad Sune Ah Ka Hor Intii Aan La Toogan + Magaca Meesha Uu Dilkiisu Ka Dhacay
February 15, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews):–  Maamulka Ahlusuna waljamaaca ee ka taliya qaybo ka mida gobolada dhexe ee Soomaaliyaayaa maalintii shalay aheyd xukun dil ah ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen inuu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Ahlusuna

Waxaanay maxkamadd ay leeyihiin maamulka Ahlu-suna ay hore xukun dila ugu rideen Maxamed Cabdilaahi Faarax, iyada oo maalinkii shalay ahaa meel fagaare ah oo ku taala degmada Guri ceel, lagu toogtay..

.Intii aanu dhicin xukunkani ayaa Maxamed Cabdilaahi Faarax loo ogolaaaday inuu tukado laba salaadood oo Sune ah, intaas ka dibna waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

 

COMMENTS
Latest News