Saxilnews.com
Wiil Soomaali Ah Oo U Tartamaya Doorashada Washington
October 24, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

WASHINGTON. D.C — Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Ismaaciil Cabdi ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad ee doorashooyinka maamulka Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee gobolka Washington.

Doorashooyinka is-reeb-reebka loogu tartamayo kuraasta guddiyada maamulka gobolkaasi ayaa lagu wadaa in ay qabsoomaan 7-da bisha November oo ay laba toddobaad uun naga xigto.

Axmed wuxuu doorashada kaga jiraa degaanka King County ee magaalada Seattle ee gobolkaasi

COMMENTS
Latest News